Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Askari Ka Tirsan Ciidamada Boliska Oo Xalay Wiil Dhalinyaro Ah Ku Toogtay Magalada Hargeysa Midkalena Ku Dhaawacay Midka Dhawaca Ah Oo An Ka Waraysanay Arrintu Siday U Dhacday.

(MSL-Hargeysa)Askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay wiil dhalinyaro ah ku toogtay midkalena ku dhawacay xaafad ka mida xaafadaha magalada Hargeysa.
Ilaa iyo hadana lama garanayo sababta keentay arrintan dhimashada iyo dhawaca keentay,hadaba waxa aan wax ka waydiinay midka dhaawaca ah oo lagu magacaboCabdi Aw Axmed oo aan ku booqanay cusbitaalka guud ee magalada Hargeysa oo uu wakhtigaa ku sugnaa qaybta gurmadka deg dega ah waxanu wax ka waydiiney sida ay wax u dhaceen”waxa ay wax u dhaceen ayagoo nin dilaya oo badhanaya markaan ku nidhi maxa ninka u baadhanaysaan waxay bilaabeen in ay anaga nagu soo jeestaan oo ay narasaaseeyan waxanay dabadeena xabadu igaga dhacday bawdada,ka dibna waxa ay si badheedha u toogteen marxuumka ,waxanay ahaayeen afar askari oo midka midi dharcad ahaa,sidoo kale waxa aan waydiinay in uu waxa aqoona u lahaa askartan “waxan garanayey ka natoogtay waanuu ahaa ninka dheer ee madaw ee istaaga Al-jasiira waxanu ka tirsan yahay saldhiga Iftin”
Si kastaba ha ahaatee majiro war ku aadan arrintan oo ka soo baxay taliska guud oo ay kaga hadlayso arrintan .

Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com