Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkada Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Xarun Ka Furatay Magalada Bali-gubadle Ee Xarunta Gobolka Hawd

(MSL-Bali-gubadle )-Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Somtel ayaa maanta xaflad ballaadhan kaga dhawaaqday furitaanka xafiiska shrikadda Somte ee magaallada Balli Gubadle ee xarunta Gobalka Hawd.

munaasibadda xafladdaasi oo ahayd mid si quruxbadan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay Maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi,wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mawliid Maxamuud Ibraahim,agaasimaha hay’adda abaabul ka saarka Jamaal Caydiid Ibraahin,Dr Cawil Maxamuud Warsame,Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Faarax,Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqaadir,Suldaan Bare Xaaji Xuseen,Sudlaan Aadan Faarax, Maayarka magaalada Balli Gubalde Cabdi Ibraahin JaamacBadhasaabka Gobalka Mr Ibraahin Xaaji Xasan iyo masuuliyiin sarsare oo ka socotay qaybaha kaladuwan ee shirkadda Somtel ee Gobalka iyo Howd ,dhalinyarada,Haweenka iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Gobalka Balli Gubalde iyo tuulooyinka hoosyimaada.

Furitaankii xafladdaasi waxaa ka hadlay Maayarka magaalada Balli Gubadle waxaanu ka waramay sida ay muhiimad ugu leedahay shirkadda Somtel inay maanta ka furatay xafiiskeeda markii ugu horeysya waxaanu sheegay inay dadka reer Balli Gubadle ka maqnaayeen shaashadaha caalamka balse mar hadii ay Somtel timid ay ku soo biiridoonaan bulshada caalamka laga daawado “intiinaa aan xukumo ee isoo horfadhiya waxaan idiin sheegayaa inaynu shaahadadaha caalamka layska daawado ka maqnayn balse mar hadii ay maanta inoo timid Somtel waxaan idiinku bishaaraynayaa in maanta wixii ka danbeeya shaashadaha caalamka laynaga daawan doono” ayuu yidhi maayarka Balli Gubadle.

Waxaa iy agauna madashaasi Gabayo cajiib ah ka soo jeediyey qaarkamida dadka deegaanka oo erayo day dadkii sacabadhu mudhxeen bahal amaan ah ku tiiq tiiqiyey shirkadda Somtel,qaarkamida oday dhaqameedka gedmada Balli Gudabdle oo madashaasi ka hadlay waxay carabka ku adkeeyeen inay Somtel ka soo jeeddo Shirkadda Dahabshiil ‘Somtel horta maaha shirkad cusub e waa shirkaddii m arkii ay nu qaxnay ee aynu Banka cidlada ah ku go’doonsanayn aynu odhanjiray “walaal noogu soo dir Dahabshiil ee inasoo gacanqabatay waana shirkaddii la soo halgantay umadda Somaliyeed xili ay baahnaayeen” sidaa waxaa ku tiraabay midkamida oday dhaqameedka degmada Balli Gubalde oo ka hadlayey madashaasi.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay maareeyaha hay’adda abaabul ka saarka Jamaal Caydiid Ibraahin waxaanu sheegay in uu Gobalka Hawd salka ku hayo halkgabkii SNM waxaa kale oo uu sheegay hadii ay yihiin siyaasiyiintii ka soo jeeday Gobalka Hawd inay ku taageersan yihiin hormarka ay Gobalka u keentay shirkadda Somtel “mar hadii ay Somtel maanta idiin keentay Internetkii waxaan rajaynayaa inaad beerihii qaadka ku badali doontaan wax soo saarka iyo shaqo wanaagga” ayuu yidhi Mr Jamaal Caydiid Ibraahin.

Sudlaan Barre Xaaji Xuseen waxaanu sheegay inay ka deegaan ahaan aad iyo aad u soo dhawaynayaan Shirkadda Somtel isla markaana ku diirsan doonaan dadka deegaanka Balli Gubade.

waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Sudlaan Aadan Faarax waxaanu sheegay inuu dadka reer Balli Gubadle farayo inay dulqaad muujiyaan “reer Abtigay waxaan leeyahay fulaynimo laydnkuma aqoonin balse waxaan idinku waaninayaa Samir iyo dulqaad’ ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax.

wax walba Samir baa lagu gaadhayaa halkani waa Balli Gubadlihii aynu xabagta ka guranjiray maantana waxaan ka gudan doonaa lacagta ee dulqaad muujiya” ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax,waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Suldaan Cumar Sudlaan Maxamed Faarax waxaanu sheegay inay soo dhawaynayaan shirkadda Somtel iyo adeegeeda casriga ah ee ay keeneen Balli Guballde. Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Cabdi Naasir Cilmi oo ka tirsan Somtel waxaanu sheegay inay Somtel ka soo baxday ballantii ay horey ugu qaadeen dadka reer Balli Gubadle hadda ka hor may ay kulamadii Ciyaaraga ee ay reer Balli Gubadle ku qaadeen Koobkii ciyaaraha ee sanadkii hore ee Gobalada Somaliland.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay maareeyaha shirkadda Somtel Cawil Saalax Cabdi waxaanu sheegay inay dadka ku dhaqan Gobalka Balli Gubadle iyo Degmada Sallaxley ka duwan yihiin dadka ku dhaqan Goballo kale oo Somaliland,Mr Cawil waxa uu sheegay inay dadka reer Balli Gubadle markii hore warbixintoodu ku ekayd inay ka daawadaan Website-yada balse ay maanta wixii ka dambeeya bulshada reer Balli Gubalde iska daawan doonaan dalka iyo dibadiisaba “markii hore dadka reer Balli Gubadle waxay iska daawan jireen oo kaliya Balii Gubaldle.com balse maanta waxay iska daawan doonaan Balli Gubadle iyaga oo jooga’ ayuu yidhi Maareeyaha Somtel Cawil Saalax Cabdi.

Dhanka kalana waxa uu ka dhawaajiyey inay Shirkadd Somtel tahay shirkaddii bulshada gaar ahaand dadka danyarta ah,waxaa isaguna gaba gabadii madashaasi ka hadlay Sudlaanka guud ee beelaha reer Somaliland Sudlaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxaanu sheegay inay shirkadda Somtel tahay mid qaran balse aanay shuqul ku lahayn maraad qabiil iyo mid reereed toona “dadka waxaan leeyahay xagga jaba haw yaacaan” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Dhanka kalana Suldaanku waxa uu ka hadlay dhismaha Gobalka Hawd inuusan ku xidhnayn qabiil kaliya oo sheegta balse uu ku xidhan yahay iyada oo ay dadka beelahaasi ka wadashaqeeyaan oo isku duubnidooda “Gobalka Hawd waxa uu ku dhismi karaa iyada oo ay beelaha wada dagaa ka midoobaan arrimaha Gobalka iyo sidii loo dhisi lahaa balse ee kuma hormarayo inay beeli kaligeed sheegato” ayuu yidhi Suldaanka guud ee baalaha reer Somaliland.

Xuseen xarbi /Hargaysa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com