Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

qaar ka mida golaha guurtida oo booqday xabsiga hargaysa maalintii shalay

Hargeysa (maantaSomaliland.)-Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa waxa Ingiriisku dhisay sanadkii 1947, hase ahaatee waxa guud ahaanba la dumiyey oo dib loo dhisay sanadkii 2006. Bishan March 18, 2013, guddiga joogtada ah ee golaha guurtida iyo xubno warbaahinta ka socda, ayaa booqday xagsiga dhexe, waxaana ujeedadu ahayd golaha guurtida oo maxaabiista ku jirta xabsigaa ugu deeqay 20 neef oo adhi ah.

Taliyaha ciidanka Asluubta JSL, Sareeyo guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), taliyaha xabsigaa Cumar Siciid Cali iyo saraakiil kale, ayaa xubnaha guddiga joogtada ah qaabilay kana gudoomay Adhigii. Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ah gudoomiyaha guddiga joogta ah ee golaha guurtida, ayaa sheegay in ay jeelka soo jaleecaan gole ahaan, deeqdanina ay tahay mid gole ahaan hore ugu ballan qaadeen maxaabiista.

Xaaji Cabdi waxa uu u soo jeediyey ganacsatada iyo dadweynahaba in ay taageeraan jeelka iyo maxaabiistaba. Taliyaha ciidanka asluubta sareeye guuto Maxamed Xuseen Xiirane, ayaa isna guddiga uga mahadnaqay deeqda. Taliye Xiirane ayaa sheegay in xabsigu haatan ku sugan yahay xaallad wanaagsan nadaafad ahaan iyo caafimaadka maxaabiistaba, waxaana uu ka codsaday guurtida in ay bulshada gaadhsiiyaan in maxaabiista wax la soo taro, maadaama iyaga hadalkooda la maqlayo.

Xaflada gudoonsiintu waxay ka dhacday qaybta hore ee xabsiga ee lagu qaabilo dadka maxaabiista u socda laguna baadho Markii la dhammeeyey wareejintii Adhiga xubnihii guurtida iyo warbaahintii la socotayba waxa loo ogolaaday in ay soo eegaan gudaha xabsiga, waxaana ka muuqday naafad, sidoo kale maxaabiista intii aanu aragnay oo caafimaadkooda iyo jidhkooduba aad u fiicnaa. Xabsiga waxa ku jira ilaa afar boqol oo maxabuus sida uu sheegay taliyuhu, hase ahaatee degnaanta iyo qaylo yaraanta umay eekayn meel tiradaasi ku jirtay.

Goorta aanu tagnay xabsiga oo ahayd ilaa tobankii subaxnimo waxa ka socday xabsiga dhexdiisa shaqooyin kala duwan, qaar maxaabiista ka mid ahaa, ayaa ku jiray hawlo ah ku samaynayeen jaajuur ama lebenka dhismaha, qaar kale, ayaa waday laxaamad oo waxay samaynayeen sariiro iyo miisas birro ah. Qaar kale oo maxaabiista ka mid ah waxay ku sugnaayeen garoonka kubada kolleyga lagu ciyaaro, waxaanu kale oo aanu arkaynay qaybo hawlo kale haya.

Jeelka markii la burburiyey sanadkii 2006, waxaa guud ahaanba la bedelay qaab dhismeedkiisii, waxaana haatan dhismihiisu u qaybsan yahay afar qaybood oo is wada leeg iyo qaybo kale oo ay ka mid yihiin goobaha lagu ciyaaro, geerashyada waxa lagu sameeyo iyo meelo kale oo bannaan, qaybahaa uu u qaybsanaa xabsigu, ayaa la odhan karaa waxay qayb ka qaateen degnaanta iyo qaylo yaraanta dadka ku jira jeelka. Taliyaha Xabsiga Cumar Siciid Cali, oo la hadlay xubnihii guurtida, ayaa ka waramay xaallada xabsiga, waxaana uu sheegay in jeelku ku jiro xaalladii ugu wanaagsanayd, hase ahaatee loo baahan yahay in wax la taro maxaabiista.

Taliyaha Xabsigu waxa uu guurtida tusay wax soorka maxaabiista sida, Jaajuur badan oo maxaabiistu samaysay iyo sariiro. Taliyuhu jeelku waxa uu sheegay in jaajuurka ay soo saaraan ay ku iibiyaan 2,500. ( laba kun iyo shan boqol). Waxa uu sheegay in sariiraha maxaabiistu sameeyaan loo isticmaalo xabsiyada kale sida xabsiga Mandheera.
Taliyuhu waxa uu sheegay in wasaarada diinta iyo awqaaftu dhinaca barashada diinta ka taageerto, Wasiirka diinta iyo awqaaftuna uu soo booqdo jeelka. Waxa uu na tusay codbaahiyeyaal waaweyn oo ku xidhnaa qaybaha jeelka ee maxaabiistu ku jirto, waxaana codbaahiyeyaashaasi soo gudbiyaan oo maxaabiistu kala socdaan casharada tafsiirka Qur’aanka iyo casharada kale ee ka socda Masaajidada Cali Matan iyo Rusheeya oo iyagu ugu tabarucay xadhkaha codka soo qaadaya ee soo jiiday labadaa Masaajid.

Xabsiga oo la dhisay sanadkii 1947, waxa uu taliyuhu sheegay inuu xilligii hore uu ka koobnaa Hangaro iyo qolal waaweyn oo isku furan, hase ahaatee uu wakhtigan yahay xabsiga casri ah oo qayb kastana qalabkeedii iyo intii loogu tallo galay ku jiraan. Wuxuuse taliyuhu walaac ka muujiyey in aanu jeelku lahayn qaybtii dumarka oo ay doonayaan in lagu kordhiyo, sidoo kale tirada maxaabiista oo sii kordhaysa ayuu iyana walaac ka muujiyey. Maxaabiista oo ku jirta, ayaa waxay isugu jiraan Budhcad Badeedii laga keenay Seychelles, maxaabiis falal argagixiso loo xukumay iyo maxaabiis kale oo denbiyo kale ku xukuman.

Inkasta oo aan la booqan qaybaha maxaabiistu ku xidhan yihiin, qaybihii aanu booqanay waxa ka muuqday isbedelka ku soo kordhay. Xubnaha guurtida laftoodu waxay isugu markhaati fureen muuqaalka wanaagsan maxaabiista.

xasan xuseen cabdi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com