Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne Siilaanyo Oo U Baxay Imaaraadka Carabta, Kaxaystayna Masuuliyiin Aan La Ogeyn Waxay Ka Tari Karaan Safarkiisa (Sawirro)

Berbera (MSL) Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay madaarka diyaaradaha Magaalada Berbera.

Madaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa, ayaa safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga bilaabmayso booqasho dhowr maalmood qaadan doonta.

Weftiga Madaxwaynaha oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Maaliyadda, Madaxtooyada, Arimaha dibada, Wasiir ku xigeenada Caafimaadka iyo warfaafiinta, afhayeenka Madaxtooyada iyo Marwada koowaad.

Ilaa hadda ma cadda safarka Madaxwaynaha ee Imaaraadka Carabta, inkasta oo wararkii maalmihii u dambeeyay ay warbaahinta maxaliga ahi baahinayeen inuu Magaalada Dubai kula kulmaya Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkasta oo Madaxwayne Siilaanyo oo markii uu Berbera ka dhoofayey la waydiiyay su’aal arintaasi la xidhiidha uu ku jawaabay “Wax lanoo balan qaaday oo la yidhi cidbaad la kulamysaan ma jirto, wax meesha ku jirtana maaha, anagu haddii aanu cid la kulamyno wixii danta Somaliland ku jirto”ayuu yidhi.

Dhanka kale, Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu sheegay in safarkiisani ka dhashay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda dalka Imaaraadka, isla-markaana uu ku maqnaan doono muddo laba ama saddex maalmood ah.

maantasomaliland.com/Hargwysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com