Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Madaxwaynaha Waxa Loo Soo Dhaweeyay Sidii Madaxwayne la qiimaynayo” Afhayeen Dhuxul

slAbu dubai (msl) Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka mid ah weftiga Madaxwaynaha ee socdaalka ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka waramay sida loo soo dhaweeyay.

Afhayeenku waxa uu sheegay in si fiican loo soo dhaweeyay isla-markaana loo qaabilay sidii Madaxwayne la qiimanayo oo kale.
Afhayeenka oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Madaxwayne Siilaanyo waxa loo soo dhaweeyay Madaxwayne la qiimaynayo sidiisii, taasina waxay sharaf u tahay shacabka reer Somaliland, Madaxwaynaha iyo weftigiisu dareen farxad leh ayay kaga jawaabayaan arintaasi”

Afhayeenku waxa kale oo uu sharaxay ujeedada socdaalka Madaxwaynaha “Safarkana waxa uu ka mid tahay kuwo oo doonayo inuu qadiyadeena ku bandhigo oo uu ku garnaqsanayo si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah, waana taa tau u Madaxwaynuhu u yimid” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Imaatinka Imaaraadka ee Madaxwaynuhu qaranka muhiimad weyn ayay u leedahay”

xuseen xarbi

maantasomaliland.com/Hargeysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com