Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo 15 Gaadhi Ka Guddoomay Hay’adda IFAD

Hargeysa (MSL)Madaxwayne ku xigeenka Somalilaccccccccccccccccccccnd Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta hay’adda IFAD, kala wareegay 15 gaadhi oo ay ugu deeqday Wasaaradaha Beeraha, Caafmaadka iyo Xanaanada xoolaha, kuwaasi oo loogu tallo-galay inay fududeeyaan hawlahooda shaqo ee ay qaranka u hayaan.

Gaadiidka oo isugu jira TOYOTA Landcruser iyo Ambulance, ayaa wasaarada beeraha la siiyay 6 gaadhi, halka Wasaarada caafimaadka laga guddoonsiiyay 5 ambilaas iyo afar gaadhi oo la siiyay Wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland.

Agaasimaha hay’adda IFAD Sulub Cali iimaan oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibada, ayaa sharaxay gaadiidkan iyo waxyaabaha ay ugu tallo-galeen “Gaadiidkan aanu guddoonsiinayno, waxaanu ugu tallo-galnay inay hawlahooda u fududeeyaan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Kuwaasi o kala ah Wasaarada Beeraha oo aanu ugu talo-galnay 6 TOYOTA, Wasaarada Xanaanada Xoolaha 4 TOYOTA iyo Wasaarada Caafimaadka oo aanu ugu taalo-galnay 5 ambilaas”

Munaasibadan oo ay sidoo kale ka hadleen Wasiirrada Wasaaradahooda loogu tallo-galay gaadiidka, ayaa waxa isaguna gabogabadii ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu hay’adda uga mahad celiyey gaadiidkan “Mashruucani waa mashruuc loo baahnaa oo haqabtiri doona bahiyihii aasaasiga ahaa, aad iyo aad ayaan ugu Mahad naqaynaa hay’addan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo la hadlaya masuuliyiinta Wasaaradaha gaadiidka la siiyay “Maanta waa la helayaa gawaadhida iyo wax kasta laakiin waa in aynu ilaashanaa, maadaama oo ay jirto inaynaan ilaashan qalabka qaarkood oo ay dad masuul aan ahayn inta aynu u dhiibno ay iska kaxaystaan ay gawaadhidaasi burburaan oo aan la daryeelin, laakiin waa in aynu ilaashanaa”

Axmed Maxamed Cawale
maantasomaliland.com/Hargeysa OFFice.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com