Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiye Ku Xigeenkii 1 Aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Maanta Asqaran Loogu Sameeyay Hargeysa

aas qaran

Hargeysa (MSL)Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida Somaliland Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo Salaadii Subax ee saaka geeriyooday.

Aaska Marxuumka, ayaa waxa ka qayb-galay dadwayne tiro badan, oo ay ka mid yihiin Masuuliyiinta Golayaasha qaranka Somaliland, xukuumadda, Baarlamaanka, waxgarad iyo dadwayne kale oo tiro badan.

Dhanka kale, Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa dhambaal Tacsi ah u diray ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee ku baxay Marxuum Sheekh Axmed Sheekh Furre, sida lagu sheegay qoraalkan ka soo baxay Madaxtooyada “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, SHEEKH AXMED SHEEKH NUUX FURRE, oo ahaa Gudoomiye ku-xigeenkii koowaad ee Golaha Guurtida JSL, oo ku geeriyoday 03.04.2013 Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta.

Madaxweynaha JSL, oo ka qayb-galay aaskaasi ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey masuul qaran oo ummadda miisaan culus ku leh in badana ay xasuusan-donaan ummaddu doorkii uu ka soo qaatay dhib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha wada-dega Somaliland, sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu kaalintii lama illaawaanka ahayd ee uu ku dhex lahaa bulshada, dalka iyo galaha Guurtidaba.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Maantasomaliland.com/Hargeysa Office.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com