Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis Madaxweyne Xorriyadeedii Ugu Soo Celiyay Marwo Nadra Maxamed Jaamac.

Hargeysa (MSL)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay in uu Cafis Madaxweyne Xorriyadeedii ugu Soo Celiyay Marwo Nadra Maxamed Jaamac oo ay maxkamadi ku xukuntay 8 bilood oo xadhig ah ka dib markii ay fariin u dirtay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Sii daynta Marwo Nadra Maxamed Jaamac ayaa waxa shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyay Cali Maxamed Saalax (Cali Cajab), waxaanu intaasi ku daray in maalmaha soo socda xorriyadeedii dib loogu soo celin doono.Cali Maxamed Saalax waxa uu carrabka ku dhuftay in madaxweynaha Somaliland uu ka aqbalay in xorriyadeeda Dib loogu soo celiyo Marwa Nadra Maxamed Jaamac.

?Waxa aan kuu sheegayaa in xorriyadeedii ay dib u heli doonto maalmaha soo socda Marwo Nadra Maxamed Jaamac, Waxaanan Madaxweynaha Somaliland uga mahad celinayaa sida fiican ee uu nooga aqbalay in ay xorriyadeedii dib u hesho marwo Nadra Maxamed Jaamac.?

Maxkamadda Degmadda Hargeysa ayaa xukun sideed bilood ah ku riday Marwo Nadra Maxamed Jaamac, taas oo bilihii ugu dambeeyay ku jirtay Xabsi ku yaala Magaaladda Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Nadra1

maantasomaliland.com/Hargeysa OFfice.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com