Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Raysal wasaraha somaliya oo booqasho ugu ambabaxay wadamada somliya ka cawinaya dhinaca amniga

Muqdisho (MSL) Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa maanta safarkiisii u horeeyay ugu ambo-baxay dalalka Ciidamadoodu Somaliya u joogaan nabad ilaalinta.

Raysal-wasaaraha Somaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar ugu baxay dalalka Itoobiya, Kenya, Jabuuti, Uganda iyo Burundi, kuwaasi oo la sheegay in lagu martiqaaday.

Raysal-wasaraha oo aan la sheegin mudada safarkiisu qaadan doono, waxa uu safarka ka bilaabayaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalka Somaliya.

Saacid, ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda dalalka uu booqanayo, iyadda oo guud ahaan dawladdaha uu booqanayaa yihiin kuwo ay Somaliya ka joogaan ciidamada AMISOM ee hawlgalada ka wada dalkaasi, waxaana la filayaa in raysal-wasaare Saacid uu dawladdahaasi kala soo hadlo sidii dawladda Somaliya looga taageeri lahaa inay guud ahaan dalka gacanta ku dhigto oo ay ka saarto kooxaha Al-shabaab ka mid tahay.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ugu dalka dibadiisa tan iyo markii loo Magacaabay xilka raysal-wasaaraha dalka Somaliya.

xuseen xarbi

maantasomaliland.com
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com