Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Hawl-galo ay ku soo qabteen Mandooriyeyaal Badan

fadal 34Hargeysa (MTaliska sare eeSL) Booliska Somaliland ayaa maanta ka hadlay Maandooriyayaal kala duwan oo ay ku soo qabteen hawlgal ay habeenimadii xalay ciidamada ammaanku ka fuliyeen qaybo ka mid ah caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in Khamri faro badan iyo duubab xashiishad ah oo qaab qarsoodi ah oo adag loo soo xidh-xidhay lagu soo qabtay hawlgal caadi ah oo ay ciidamada Boolisku xalay ka fuliyeen magaalada Hargaysa.

Taliye Fadal, waxa uu intaasi ku daray in shan ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka ganacsanayeen maandooriyayashaasi la soo qabtay isla markaana la hor geeyey cadaalada kuwaas oo tallaabada laga qaadi doono laga sugayo maxkamadda ku shaqada leh.

Dhanka kalena taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu uga digay shacabka Somaliland guud ahaantii inay ka taxadaraan meelaha togaga biyo mareenka ahi ku yaallaan inta lagu jiro waqtigan xilli roobaadka.

maanatasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com