Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Alle Ha U naxariistee maayirkii Hargeysa OO Geeriyooday ,asqarana loo qaban-qabinayo

Abu-dubai (MSL) Alle ha u naxriistee waxa xalay goor dambe ku geeriyooday Al Jasiira Cusbataal oo ku yaala magaalada Abu-dubai maayirkii caasimada Hargeysa Eng. Yusuuf Warsame Siciid, marxuumka ayaa mudooyinkii u dambeeyey ku sugnaa magaalada Abu-dubai ee dalka isku tagga Imaaraadka Carabta halkaas oo lagula tacaalaayay xanuunkan uu u geeriyooday.

Maayarkii Magaalada Hargeysa Eng Yuusuf Warame Siciid, Allle ha u naxariistee ayaa u geeriyooday naxnuun dhanka sanbabada ah oo uu waayahan ba u jiifay cisbitaal ku yaala Magaalada Abu-dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxana geerida marxuumka xalay xili dambe noo xaqiijiyay Gudoomiyaha wargeyska Dawan Media Group oo isagu ku sugan magalada Abu-dubai mudane Maxamed Cismaan Mire Sayid.

Alle ha u naxariistee Maayar Yuusuf Warsame Siciid, oo muddo kooban doorashadiisii ka dib xaalad caafimaad dalka dibadiisa ugu maqnaa, ayaa geeridiisa saaka aad looga hadal hayaa guud ahaan Magaalada Hargeysa.

Rabbi naxariistii Janno haka waraabiyee, Maayarku waxa uu ka mid ahaa Enijeerada reer Somaliland ee ka soo baxay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, iyadoo intii uu xaalada caafimaad la il daraa uu Madaxwayne Siilaanyo oo safar shaqo ku joogay Abu Dubai uu ku booqday cisbitaalka uu haatan ku geeriyooday.

Maydka marxuumka ayaa la keeni doona magaalada Hargeysa halkaas oo aas qaran loo samayn doono.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com