Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Saraakiil ciidan oo ka socda dalka imaaraadka carabt aayaa maalintii labaad ku sugan magaalo xeebeeda Somaliland ee Berbera

Berbera(msl) Saraakiil dhinaca Ciidanka Dalka Imaaraadka Carabta ka socda ayaa maalintii labaad ku sugan magaalo xeebeeda Somaliland ee Berbera halkaas oo ay ka wadaan qorshayaal ay hore ugu soo heshiiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Weftigan oo maalintiisii labaadwali ku gaalaa bixinaya kormeero is daba-joog ah Madaarka iyo Dekedda Berbera ayaa warbixino iyo xogo is dhaafsadeen TaliyahaCiidankaQaranka Somaliland sareeyo GaasIsmaaciil Shaqale iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha Dawladda sida Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Sarkaal ka tirsan waaxda Duulista eeWasaaradda Duulista iyo Hawada.

Ilaa hada xog faahfaahsan lagama hayo labada dhinac waxay isla meel dhigeen, hase yeeshee Madaxweyne Axmed Siilaanyo markii uu dhawaan ka soo noqday Safar uu ku booqday Amiirka leh dahaxaltooyadda Dalkaasi waxa uu Warbaahinta Dalka u sheegay in ay Heshiisyo dhawr ah soo wada galeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Amaanka, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.

Booqashadan weftiga imaaraatiga ah oo isugu jira qaybahaas oo dhan waxa talaabadan ay dalka ku yimaadeen ka dhigaysaa miday ku danaynayaan Somaliland iyada oo rayul caamkii ogaa soo dhaweyntii ay u sameeyeen Madaxweyne Siilaanyo ay isku raaceen inuu ahaa Meeqaam sare oo aan dalkaasi u samaynin Madaxda Dalalla la ictiraasfsan yahay qaarkood.

Ilo wareedyo madax banana ayaa sheegaya BoqoradaImaaaradka Carabtu inay danaynayaan shiidaal iyo Macdan in ay Somaliland ka qotaan isla markaana uu jiro heshiis hoose oo aan soo shaac bixin oo sheegaya inay Iibsadeen Block-yo ka mid ah kuwii ay hore shirkaddaha waaweyn ee shiidaalku u sahamiyeen, kuwaasoo aan ku jirin kuwa cusub ee imika laga wado goboladda Togdheer, Oodweyne iyo Saraar.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com