Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeysa(msl) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa manta u kicitimay dalka Turkiga si ay uga qayb galaan wadahadalada Dalkaasi u marti qaaday Somaliland iyo Somaliya.

Hargeysa(msl) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa manta u kicitimay dalka Turkiga si ay uga qayb galaan wadahadalada Dalkaasi u marti qaaday Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafadda kula hadlaya madaarka Hargeysa ka hor intii aanu ka duulin ayaa u sheegay qorshaha ay la tagayaan inuu yahay sidii ay ugu qancin lahaayeen Madax banaanida Somaliland isagoo sheegay iyana inay la shir iman doonaan Midnimo Somaliyeed.

“Shirkaasi waa mid Somaliland iyo Soomaaliya lagu wada hadalsiinayo, qodobada laga hadlayaana way iska cad yihiin oo Soomaaliya waxay doonayaan in la isku noqdo, Somaliland waxay doonaysaa madax banaani dunidu u aqoonsato, waana halkaa halka la iskaga hor imanayaa” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo iyo wafdigiisa oo Itoobiya ku sii hakan doonaa.

Dhinaca kale, wasiirka arimaha Dibada Turkiga Axmed Daa’uud Ooglo ayaa sheegay inay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya bilaabmi doonaan April 11-da isla markaana uu socon doono illaa iyo 12-ka sida uu qoray wargeys kasoo baxa dalka Turkiga oo la yidhaahdo Turkishpress.

Wasiirka arimaha dibada Turkiga ayaa carabka ku dhuftay in shirka intiisa badan looga hadli doono sidii Soomaaliya oo ka mid ah wadamada dhibaatada ay ka jirto sidii xal loogu raadin lahaa, waxaana la sheegay in kulankaasi oo ay martigelineyso dowlada Turkigu uu ka dhici doona Magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Wasiirka arimaha dibada Turkiga Axmed daa’uud ayaa si hor dhac ah u sheegay in xukuumada Turkiga ay ku dadaali doonto sidii Soomaaliya ay qeyb kaga noqon lahayd wadamada horumaray, isla markaana looga dareemi lahaa xasilooni iyo Deganaasho sidaana waxaa mar kale qoray wargeyka Turkishpress.

Kulankaasi la qorsheeyey inuu dhexmaro xubno ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa hadal ka jeedin doona wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga iyo Finland Axmed Daa’uud Oogle iyo Erkki Tuomioja, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

Shirkan ayaanay illaa hadda ka hadlin ka qeyb galkiisa dowladda Soomaaliya, waxaase si faahfaahsan uga hadlay Somaliland oo sheegtay inay shirkaasi ka qeyb galayso, iyagoo magacaabay xubnaha uga qeyb galaya shirkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com