Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarkii Caasimadda Oo Maanta Si Heer Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa Iyo Boqollaal Qof Oo ka Qayb-galay

Hargeysa(MSL)Maayarkii Magaalada Hargeysa Marxuum Yuusuf Warsame Siciid oo habeen hore ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa.
aaska maayirka

Maydka Marxuumka oo saaka laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Magaaladda Berbera, ayaa waxa salaadii Duhur ee maanta ka dib la soo gaadhsiiyay Hargeysa, iyadda oo markaa ka dib lagu aasay Xabaalaha Xeedho, iyadda oo salaadii Jinaasadiisa ay ka qayb-galaan boqolaal qof oo ay ka mid yihiin Wasiirro ka tirsan xukkuumadda Somaliland, siyaasiyiin, culimo iyo siyaasiyiin kale oo aad u faro badnaa.

Marxuumka oo si heer qaran ah loo aasay isla-markaana Maydkiisa lagu daboolay calanka Somaliland, ayaa taariikh nololeedkiisa ka sheekeeyay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Sheekh Aaden Siiro, Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha gudaha Cabdilaahi Cirro, Wasiir ku xigeenkeenka Wasaarada warfaafinta Cabdilaahi Cukuse, Afhayeenka Komiishanka Doorashooyinka Mr Geelle, oo isagu sheegay in Marxuumku ahaa qofkii sameeyay (Logo-dii SNM), isaga oo Marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi aqoon badan leh oo umadda Somaliland ka baxay.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com