Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Mareykanka Oo Meel Mariyay Hub Dowladdiisa Ay Siiso Dowladda Soomaaliya.

Washington(MSL)Madaxweynaha dowladda Mareekanka Brag Obama ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka taageereyso dowladda Soomaaliya dhanka Milatariga islamarkaana ay ugu Yabooheyso Saanad Milatari.

Iyadoo La soo Xiganayo Wakaaladda Wararka ee Reuters Madaxweynaha dalka Mareekanka ayaa Go’aansaday Isniintii shalay ahayd in Soomaaliya ay hesho kaalmo Milatari taas oo ay ugu deeqeyso dowladda Mareekanka.

Mareekanka ayaa Tallaabadaan uga Golleh in Mareekanka uu Xiriir wanaagsan La sameysto Soomaaliya.

Obama ayaa Warqad u diray Xoghayihiisa arrimaha dibadda John Kerry taas oo uu ku taageerayo in Soomaaliya ay u baahatahay in La siiyo Saanad Milatari iyadoo La eegayo Kaalmooyinka Shisheeye ee Mareekanku bixiyo iyo Sharciyada hubka ee dowladda Mareekanka.

Saraakiil Sar sare oo Ka tirsan Aqalka Cad ayaa waxa ay Reuters u sheegeen in Mareekanka haatan uu u soo Jeestay Xasilinta Soomaaliya.

Saraakiishaan ayaa qeexin Nuuca ay tahay Saanada Milatari ee Mareekanku u siinayo Soomaaliya balse waxaa Xusid Mudan in Xayiraadda Hubka ee Mudada 12 bilood laga qaaday Soomaaliya ay qeexeyso in Hubka Cul Culus aanu ka mid ahayn waxyaabaha ay soo iibsan karto ama Keensaneyso dowladda Soomaaliya.

Mareekanka ayaa aqoonsaday dowladda Soomaaliya Markii ugu Horeysay tan iyo Bur bur kii dowladdii Dhexe ee Soomaaliya sanadku Markuu ahaa 1991 kii.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com