Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xadhiga Weriye Yaasin Jaamac wuxuu xad-gudub ku yahay xoriyadda saxaafadda Hey´ada Xuquuqul insaanka

Hargeysa-(msl)Waxa magaalada Berbera lagu xidhay shalay 8 April 2013 Yaasiin Jaamac Cali oo ah weriye warka uga soo tebiya TV-ga af-Soomaaliga ku hadla ee Universal ee xarutniisu tahay Lonodn sidoo kalana ka howl galayay Shabakada Hadhwanaagnews.

Xadhigaasi wuxuu xadgudub ku yahay xoriyadda ra?yi dhiibashada iyo saxaafadda xorta ah. Sida ku

cad qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland, saxaafaddu waxaxay ka mid tahay xorriyaaadka aasaasiga ah ee ra?yi dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-banaanidooda. Dastuurku wuxuu reebayaa talaabo kasta oo lagu cabudhinayo.

Xoriyadda cabiridda ra?yiga iyo tebinta wararku waa mid aasaasi ah oo muhiim u ah xaq ay muwaadiniintu u leeyihiin inay war helaan.

Mr. Yaasiin waxa la xidhay iyada aan wax amar garsoore ah loo haysan isaga oo jooga degsiimadiisii. Taas oo ku gefay qodobka 25 ee dastuurka oo mamnuucaya in qof na la qabto iyada oo aanu denbi faraha kula jirin ama aanu amar qabasho oo sababaysan soo saarin garsoore awood u lihi.

Talo-soojeedin

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinay:

? In Yaasin Jaamac Cali xoriyadiisa loo soo celiy

? In ay masuuliyiinta Somaliland dhawraan dastuurka iyo shuruucda dalka ee ku saabsan xoriyatul qawlka

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com