Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Burco:Laba Qof Oo ku dhintay iska hor Imaad dhex maray Booliska Iyo Dabley hubaysan

Burco (MSL)Laba qof ayaa ku dhintay maanta ka dib markii ay tacshiirado ay isweydaarsadeen ciidamada ammaanka saddex nin oo dablay ah duleedka koonfur galbeed ee magaalada Burco.

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Aw-Daair Cali oo u waramayay ayaa sheegay in ka dib markii ay ka soo laabteen dhagax dhiga mashruuc la xidhiidha xanaanada xoolaha ee deegaanka Kabadheere saddex nin oo dablay ahi ay rasaas isku weydaarsadeen ciidamada amaanka ee wehelinaayey Wasiirka iyo Gudoomiyaha Gobolka Tog-dheer , halkaasina uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska iyo mid ka tirsanaa dablaydaasi.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in isla goobtaasi gacanta lagu dhigay mid ka tirsanaaa dablaydaasi halka midkii kalena uu baxsaday.

Mudane Cabdi Aw Daahir waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladii u ka baxay Marxuunkaasi ka tirsanaa ciidamada booliska.

Dhinaca kalena Taliyaha ciidanka booliska Somalilanda Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka tacsiyadeyey ciidanka booliska askarigaasi ku geeriyooday falkaasi, waxaanu shacbiga ku booriyey in ay xoojiyaan xidhiidhka wadashaqeyneyd ee ay la leeyihin booliska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com