Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Oo Qawaday Qawlka Uu Madaxweyne Siilaanyo Hoos Ugu Dhigay Qaranimadda Somaliland

Hargeysa (MSL) Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in waftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Socdaalka ugu baxay Dalka Turkigu aanay ogeyn ajandaha lagaga wada hadlayo shirka u furmaya Somaliland Iyo Somalia.
Waxa uu cadeeyay in ay arrintaasi ceeb weyn u soo jiidayso qaranimadda Somaliland, isla markaana shirkaasi ay ka dhalan doonaan wax aanay jeclaysan Karin shacabka reer Somaliland.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in waftiga Madaxweynaha Somaliland ay weydeeyeen qaranimadda iyo gooni isu taagga dalka Somaliland.

Waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan ?Warbaahintu waxa ay soo warisay in waftigii dalka ka baxay ee uu hogaaminayay Madaxweynuhu in ay yidhaahdeen ma hayno ajandaha lagaga wada hadlayo shirkaas aanu ku socono, arrintaasi waxa weeye arrin khalad ah.

Waxa weeyee ajandaha shirka lagaga wada hadlayo hadii aanay haynin oo weliba aanu dhamaystirnayn qaabka loo wada fadhiisanayo waxa aan qabaa in la tagaaba in aanayn haboonayn in ay tagaan, waftigaasina waxa aan qabaa in uu ku baxay si yac-yacood ah, arrimahani waa kuwa qalinka la isku xado ee khatarta ah ee masiir dhan oo umadeed saamayn kara.

Waxa la soo wariyay ajandaha ma garanayno, haddana mar kale ayay hadleen oo waxa ay yidhaahdeen ajandaha iyo wax laga wada hadlayo waa la iska garanayaa, Arrintaasi in ay khalad tahay waxa cadaynaya shirkaasi Turkiga waxa barbar socda mid lagu qabanayo dalka Ingiriiska, shirkaas waynu diidnay, waxa aynu ku diidnay qaabka shirkaas loo qabanayo ayaa inoo cadaa, laakiin shirka turkiga waxa la yidhi waxa la tagay iyada oo aan la garaynaynin ajandaha.

Tusaale yar baan bixinayaa dagaalkii labaad ee aduunka waxa dhacay dagaal u dhaxeeyay labadda kuuriya, waxaanu maraykanku la socday dalka Koonfurta Kuuriya, dagaalkaasi waa mid ilaa iminka taagan, marka xaga sharciga la eegana weli dagaal baa ka taagan labada kuurya.

Shir loo balamay oo la doonayay in lagu soo af jaro dagaalka, ayaa madashii uu shirku ka dhacayay aroornimadii la doonayay in la furo shirka ayaa waxa soo galay Maraykanka, waxaana la arkay calankii waqooyiga Kuuriya oo ka dheer ka maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya, waxaanu shirkii u baaqday calanka waqooyiga kuuriya ee ka dheer labadda calan ee kale.

Maalintii ayaa waxa haddana la furay shirkii waxaana la arkay kuraastii Waqooyiga Kuuriya oo ka sareeya kuwii labadda wadan ee kuuriyada Koonfureed, dabadeedna labadii wadan wey xanaaqeen oo waxa ay yidhaahdeen waa maxay ma anaga ayay hoos noo soo eegayaan.

markaa waxbadan ayaa laysku khaldayaa,waxaana arrintan oo kale muhuumka ka dhigaya dalka laggu qabanayo wadahadalada oo ah wadan raacsan Soomaali Weyn? ayuu yidhi.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Waxa uu aad u qawaday dhawaaqii ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland kaas oo uu ku sheegay in ay hoos u dhigeen somalilandnimadda iyo waliba gooni isutaaga, waxaanu yidhi

,jaraa?idku waxay qoreen in waftigu saddex jeer ay ku celceliyeen madaxbanaani,sida ay u dhigayaana waa si khaldan ,sida saxda ahna waa la soo noqoshadii madaxbanaanidii maaha sax,arrinteenu way ka duwantahay taas maadama aynu la soo noqonayn madaxbananideenii, waxaynu nahay wadan ay ictiraafeen shan iyo sodon wadan oo ka mid ah wadamada codka fiitoda ku leh qaramada midoobayd, waagii afrika la gumaysanayeyna ka duwanaa somaliya oo aan laba dal kala ahayn, waxay muujinaysa marka sidaa loo dhigo arrintu in aynu nahay wadan hore loo aqoonsaday ee aanuu ahayn wadan iminka la aqoonsanayo? ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu ka hadlay Cunqabataynta Hubka ee Laga Qaaday Dalka Somalia, waxaanu yidhi

,markaan shirkaa turkiga iyo arrimihiisa ka soo gudbo waxan inyar ka odhan doona siyaasada arrimha dibada ee hubka somaliya la siinayo oo aanay xukuumadeenu ka hadlin,in ay naga daba hadlaan mooyaane oo waliba uu khatar keenayo hubkani.

Hadii Somalia hub lasiinayo waa in dhinaca kalena hub lasiiyo, waayo arrintu waxay ka rarmaysaa dhinac.

markaa hadii laysu dheelitiriwaayo waxa ka dhalan karta khatar markaa waa in la wada siiyaa ama laga wada daayaa,waayo somaliya waa cadawga koowaad ee Somaliland.

Xasan Ciise Jaamac Oo Aanu Weydiinay Halka ay ku dambeeyeen Wada Hadaladii Xukuumadda ay la bilaabeen ayaa waxa uu yidhi

?Su?aasha qaxbaad u leedahay in aad I waydiiso,wadahadaladii way bilaabmeen oo waa lawada ogyahoo waanu sheegnay oo laba maalmood ayanu wada fadhiisanay ,anaga iyo xukuumadu waxaan ku heshiinay in anan ka hadlin anaga iyo xukuumadu intay dhamaanayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com