Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hadraawi Oo Ardeyda Jaamacadda Admas Muxaadaro Ujeedinaayey Ayaa Si Hufan U Tibaaxay Fikirka Uu Ka Aaminsan Yahay Soomaaliweyn.

Hargeisa (MSL) Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa xalay Jaamacadda Admas ku soo bandhigay maansooyinkiisa qiimaha iyo qaayaha leh, islamarkaans ka jeediyey muxaadaro ka waramaysa Sooyaalkiisii taariikheed, tii suugaannimo iyo halgankii faraa badnaa ee uu soo maray xilliyo iyo waayihii kala duwanaa ee noloshiisa. Waxa uu Abwaanku habeenkaas Ardeyda u jeediyey Qisooyin iyo hawaala waran farabadan oo suugaantiisu ku qotonto.waxa kale oo uu Abwaanku lafaguray nidaamkii macangaga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre iyo cadaadiskii uu ku hayey dadka reer Somaliland.

Abwaanku waxa uu habeenkaas dhayda ka caddeeyey iney dadka reer Somaliland ay xaq u leeyihiin iney go’I karaan, madaxbannaanina ay raadsan karaan, sidoo kalana ay la heshiin karaan Soomaaliya. Abwaan hadraawi waxa uu si kal iyo lab ah ula haasaaway ardeyda isagoo habeenkaasna soo hadal qaaday hadal-haynata suuqa ee lagu xanto isaga, taas oo ah inuu ogol yahay gooni isutaagaa Somaliland iyo in kale. waxaanuu Hadraawi yidhi habeenkaas isagoo si hufan uga waramaaya arintaas “Fule Xantii ma mooganee ma waxaad maqasheen Ardayeey Hadrwaawi Soomaaliwayn ayuu taageersan yahay? Saw Somaliland la idinma yidhaadhdo oo calan ma lihidin oo xoriyadiina dib ulamaydaan soo noqonin, Ikhtiyaarka idinka ayaa iska leh, hadii aad go’aysaan iyo hadii kaleba oo idinka ayey arintaasi idinka go’daa.”

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com