Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wadamadda G-8 Oo Shir Ay Kamid Yihiin Waxyaabaha Looga Hadlayo Arimaha Soomaaliya Iyo Wadamada Qalalaasuhu Ka Taagan Yahay Uga Furmay London.

London(MSL) Shirka oo shalay ka furmay magaalada London waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socota wadamada Mareynkanka, Ruushka, Japan, Kanada, Fransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo wadanka Ingiriiska, kuwaas oo ah wadamada la isku yiraahdo G8-ka.

Shirkan oo qaadan doona muddo Labo Maalmood ah, waxa lagaga hadli doonaa Xaaladaha adag ee iminka ka taagan wadamo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

Xoghayaha arimaha dibada ingiriiska William Hague oo hadlay ayaa sheegay in kulanka ka furmaya London intiisa badan diirada lagu saari doono shan qodob oo xasaasi ah, kana taagan wadamada qulqul tooyinka ay ka jiraan, isagoo soo hadal qaaday arimaha xadgudubyada ka taagan Soomaaliya iyo sidii looga hortagi lahaa.

“Dowlada Ingiriisku, waxay hadal cad ka soo saari doontaa xadgudubyada lagula kaco dadka danyarta Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka, shirkana waxaa ka soo bixi doona qodobo aan ku xadideyno”, ayuu yidhi William Hague.

Waxaana uu intaa ku daray xoghayaha arimaha dibadu in dowlada Ingiriisku ay taageeri doonto talaabo kasta oo looga hortagayo arinta xadgudubyada oo uu sheegay in haatan Soomaaliya ay ka taagan tahay.

Geesta kale, William Hague ayaa carabka ku dhiftay in shirka lagu codsan doono dhaqaale lagu taageerayo xukuumada Soomaaliya, iyada oo wadamada deeqda bixiya loogu bandhigi doono sidii ay Soomaaliya dhanka dhaqaalaha uga taageeri lahaayeen.

Ugu danbeyntii xogahayaha arimaha dibada dalka ingiriiska William Hague ayaa shaaca ka qaaday in kulanka lagu raadinayo qaabka Soomaaliya loogu hirgilin karo amaan hagaagsan oo dadka hilinka toosan ku haga kana hortaga dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed kuwooda Liita.

Ugu dambeyntii wadamada ku bahoobay ururka la yidhaahdo G8-ka ayaa dhanka kale waxay kulankooda kaga arinsanayaan xaaladaha ka taagan wadamada Siiriya, Mali Nigeriya iyo wadamo kale oo badan.

maantasomaliland.com/Hargeysa OFfice

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com