Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wadahadaladii Somaliland Iyo Somaliya Ee Turkiga Oo La Iska Doortay Toban Xubnood Oo Ka Kala Socda Labada Geesood

Istanbul(MSL)Wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland ee Dalka Turkiga oo shalay ka furmay magaaladda Istanbul ayaa kulankii ugu horeeyay ee u qabsoomay lagu saaray toban xubnood oo labada Dal ka kala socda si ay isula meel dhigaan Ajandayaasha ay labada Dal ka wadahadli doonaan, muddada shirkaasi socdo

Wararka Hordhaca ah ayaa sheegaya in min shan xubnood oo labada wefti ka kala socda loo xil saaray arrintaasi, kuwaas oo kala ah:-

Dhinaca Somaliland:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan

Wasiirka Arrimaha Bulshada Maxamud Axmed Barre Garaad

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Feysal Cali Waraabe

Dhinaca Somaliya:

Wasiirka Daakhiliga C/kariin Xasan Guuleed

Wasiiru dawlaha Madaxtooyadda Faarax C/qaadir

Xildhibaan Maxamud Xayir

Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil

Xildhibaan khaalid Cumar Cali Raxan-weyn.

Labadan Guddi ayaa yeelan doona ilaa beri shirar is daba jog ah oo ay ku lafa guri doonaan qoddobada la isla ogol yahay ee lagaga doodi doono kulanka guud ee ay labada dawladood Madaxweynayaashoodu ka soo qayb geli doonaan, kaasoo lagu wado inuu qabsoomi doono 13/04/2013.

Dowladda Turkiga ayaa qaban qaabineysa wada hadalo maalmaha soo socda ku dhex mari doona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu maalinta beri ah ka ambabaxo magaalada muqdisho iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo haatan ku sugan dalka Turkiga.

Sida ay sheegayaan wararka wada hadalada labada dhinac ayaa ah kuwo qeyb ka ah wada hadaladii horay ugu dhex maray magaalooyinka London iyo Dubai ee dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka carabta iyadoo wada hadalkan ay gadhwadeen ka tahay dowladda Turkiga oo labada dhinacba saaxiibo dhow la ah.

Sida warku sheegayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markii hore doonayey inay wadahadaladaasi noqdaan kuwo heer wasiir ah ayaa la sheegay in dowladda Turkigu ka codsatay labada dhinac in xubnaha ka qeybgalaya wadahadaladani la gaarsiiyo heer madaxweyne iyadoo wafdiga Madaxweynaha ay qeyb ka noqon doonaan Wasiiro, Xildhibaano iyo rag siyaasiyiin ah.

Waxaa dalka turkiga gaadhay wafdi hordhac u ah madaxweynaha Somalia oo uu horkacayaan wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax C/qaadir.

Mowqifka Labada dhinac ayaa hadda aad u kala fog iyadoo ay jiraan arrimo siyaasadeed oo soo kala dhexgalay inta aysan is arkin, waxaana ay ku doodayaan xubno ka tirsan wafdiga dawlada Somaliland uga qeybgalaya kulanka ka dhacaya dalka Turkiga in madaxweynaha Soomaaliya uu awood dheeraad ah isticmaalayo, isagoo ka faaiideysanaya aqoonsiga caalamiga ah ee dowladiisu ay heysato.

Dhinaca kale waxaa jira farqi iyo aragtiyo kala duwan oo u dhexeeya labada dhinac kuwaas oo mid waliba uu si gaar ah wax u doonayo, iyadoo midkoodna aanu dooneynin inuu hadda tanaasulo ama uu ka soo dego halka uu saaran yahay, taasoo khasbeysa in kulamada u dhexeeya labada dhinac ay yaraato natiijooyin deg deg ah oo laga fisho inay gaaraan, waxyaabaha labada dhinac isku maandiidsan yihiin ayaa la sheegay inay uga waaweyn yihiin sida loo wajahayo arrimaha siyaasadda oo dhinaca Somaliland ay ku adagtahay inay wax gor gortan siyaasadeed ah ka galaan xilliga sababo lagu sheegay inaysan ka iibin karin dadka Somaliland arrimo siyaasadda la xidhiidha.

maantasomaliland.com/Hargeysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com