Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Ankara

Ankara(mal)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta gaadhay caasimada dalka Turkiga ee Ankara.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka, waxa weftiga Halkaas si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaraha oo ay kaga horyimaadeen masuuliyiin sar-sare oo ka socda dawlada Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiiisa waxa lagu qaabIlay Hab-maamuus sare, waxaana la filayaa in 48-ka saacadood ee soo socda uu ka qayb-geli doono shirka wada hadlalada Somaliland iyo Soomaaliya ee sida rasmiga uga furmaya dalka Turkiga gaar ahaan magaalo madaxdiisa Ankara.

maantasomalland.co0m/Hargeysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com