Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cuqaal Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Gabiley oo sheegay in waddo khaldan loo maray Heshiiskii Shalay ee Ceelbardaale .

Cuqaal Odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobolka Gabiley oo sheegay in waddo khaldan loo maray Heshiiskii Shalay ee Ceelbardaale .

waxaaanu maanta saxaynaa arin shalay lumay oo nabad geliyada wax yeelaya….

Hargaysa(maantasomaliland):-Cuqaal iyo odayaal ka soo jeeda Gobolka Gabiley ayaa jawaab kulul ka bixiyay warar la idhiidhay heshiis la sheegay in ay shalay wada gaadheen labada beelood ee isku haya deegaanka ceel bardaale,iyada oo uu heshiiskaasi ka dhacay xarunta Madatooyada somaliland,waxa kale oo ay cuqaashani sheegeen in qaab aan sax ahayn oo khaldan loo maray heshiiskaasi.

Cuqaashan iyo waxgaradkaasi waxay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Huteelka Fish and Steak House ee magaalada Hargeysa waxaanay caddeeyeen inay soo dhaweynayaan in deegaanka Ceel bardaalle colaada ka taagan la soo afjaro, iyagoo xukuumadda Somalilandna ku bogaadiyay dedaalada nabad raadinta, hase yeeshee waxay ka biyo diideen qaabkii loo agaasimay qorshaha nabadeynta labadaas beelood ee shalay lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa.

Caaqil Nuur Cilmi Samatar oo ka mid ahaa odayaasha ka soo jeeda Gobolka Gabiley ee maanta shirka jaraa’id qabtay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan nabadgelyada kana wada hadleen xukuumadda waxase uu ku dooday in arrintii Salaasadii la shaaciyay aan laga qeyb galin madaxdhaqameedka beelaha ” waxaa la yidhi xeer ma lumo hadduu lumana ma soo hoydo,waxaaanu maanta saxaynaa arin shalay lumay oo nabad geliyada wax yeelaya ayaanu halakn kaga hadlaynaa oo shalay saxaafadu baahisay,anagu nabad geliyada waanu jecel nahay madaxwaynaha iyo ku xigeenkaba waanu is aragnay waxaanu u balan qaadnay in aanu nabad geliyada qaadanayno.arintii shalay dhacday waxay ahayd nabad geliyadii oo la lumiyay ayaanu raadco ugu jirnaa waxa aanu leenahay ha lagu soo celiyo wadadii loo marayay,labada beelood waxay leeyihiin masuuliyiin cuqaal iyo odayaal waxaa la yidhi ragu waa nin kugu maqan iyo nin kaa maqan,cida nabada balan qaaday ee shalay saxeexday waa cidii nabada ku soo maqnayd,halkeedii in lagu soo celiyana diyaar baanu u nahay”.

Caaqil Maxamed Cige Geele (gaydh) oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay wxa uu yidhi ” waxaanu halkan kaga hadlaynaa war shalay la baahiyay arin khaldamay oo aan meeshiisii haysan ayuu ahaa wixii ka dhimana anagaa saayna,calaamad markay u noqotay in aanu nin keli ahi waxna saxeexi karin waxxna lahayn,oo oday dhaqamedyada iyo cuqaasha beelaha aanu nahay aanay u dhamayn,arinkaa dib ayaanu ka saxaynaa berito haddii Alle yidhaahdo”.

Oday Cumar Barkhad oo is halkaasi ka hadalay ayaa sheegay in ay bad doonayaan madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay arintan iska arkeena ay u sheegeen in ay nabad doonayaan wxaanu yidhi ” anagu nabada hore waanu u qaadanay madawaynaha waanu is aragnay cuqaasha iyo salaadiinta subeer Awal oo dhan waanu is aragnay mid walbana waaanu ku kala tagnay nabada waanu qaadanay imikana diyaar baanu u nahay,hadaba dawlada waxaanu u sheegaynaa arinka shalay lumay in aanu horta qofna yeelan karin wadan kelidiina saxeexi karin arinku arin qabiil buu ahaa qabiil baanu khilaafku u dhexeeyay,qabaa’iladii khilaafku ka dhexeeyay salaadiintoodii iyo odayaashoodii shalay cidi kama joogin,raga hawshaa galayna rag muraad leh ayay ahaayeen”.

Cuqaasha iyo odayaasha shirkan jarr’id maanta qabtay waxaa ay magacyadoodu ahaa yeen Caaqil Yaasiin Caqli Nuur,Chief Caaqil Aw yuusuf Magan,Caaqil Nuur Cilmi Samatar,Caaqil Maxamed Cigge Geele (gaydh),Oday Cumar Barkhad,Caaqil C/laahi qalinle Fariid,Oday Aadan Barkhad,Ibraahim Araar Mixile,Maamed Taani Geedi waxaanay dhamaantood sheegeen inay soo dhawaynayaan wada hadalada iyo nabadda waxase ay ku baaqeen in cuqaasha iyo madax dhaqameedka laga qeyb geliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com