Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cali Maxamed Warancadde Oo Ka Tirsan Masuuliyiinta Xisbiga WADANI Ayaa Bogaadiyay Qurbajooga Rer Somaliland Ee Qaaradda Yurub.

Hargaysa(MSL) Siyaasiga Cali Maxamed Warancadde oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga WADANI, ayaa hanbalyo iyo boogaadin wuxuu u diray Qurbajooga rer Somaliland ee qaaradda Yurub, sidii wadaniyada lahayd ee ay u muujiyeen qaranimada Somaliland. Sidaana wuxuu ku sheegay war-murtiyadeed Hanbalyo ahaa oo uu nuqul kamid ah soo gaadhsiiyay Shabakadda Wararka ee maantasomaliland.com wuxuuna u dhiganaa sidan.

Cali Maxamed Warancadde
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga soo jeedinayaa dhamaan bulshada reer Somaliland ee ku nool Yurub iyo mareykan gaar ahaan guud ahaana ummadda reer somaliland ee halganka ugu jirta xaqiijinta Gooni isu taaga Somaliland.

”Waxaan halkan Hambalyo balaadhan uga soo jeedinayaa jaaliyadaha

reer somaliland ee maanta banaan baxyada baaxadda leh isugu soo baxay dalka biljimka oo muujiyey una quus gooyey kuwii inagu waday hagar daamooyinka , rajadana ka qabay in ay marlabaad god madow oo aan dib looga soo bixi karin inagu ridaan ee xaalkeena u arkayey, ( ummuli ilowshiiyo dhawaa ). waxaanad muujiseen Cadowtinimadii lagu qaaday ummaddan reer somaliland in aydaan ilaawin Qalbigiinana ay ku daabacan tahay dibna aan la idiin dagi karrin. waxaanu idin leenayahay guul iyo gobonimo ayaa inoo balan ah haddii Eebe Idmo.

Marlabaadka waxaan halkan uga dirayaa tallo aan u soo jeedinayo wafdiga reer somaliland ee ku sugan Dalka Turkiga, waxaa muuqata in Madaxweynaha somalia Mudane xasan sida uu maanta ka hor cadeeyey ciimmadda somalia ee hadda carbiska ku jira in ay tahay himilada loo sameeyey sidii ay u soo celin lahaayeen Midnimadii somalia, oo ay tahay riyadooda kowaad. isla markaana aanu u xilsaareyn waxaan ahayn Midnimadda Somalia isagoo waliba ku soo jeeda dalka turkiga.

Sidoo kale waxaa ka muuqata Ajandaha Shirka,in uu ku jirro qodob halis ku ah qaranimadda somaliland oo ah in iyadoo aynaan ku heshiin in aynu nahay laba dal oo kala Madax banaan ama aan wali laga wada hadal arintii ku saabsaneyd GOONI ISU TAAGA SOMALILAND oo ay muuqato in ay ka warwareegayaan reer Somalia.

Waxaa halis inagu ah in ay ina marsiiyaan qodobka odhanaya , IN MUCAAWINADA LA SIINAYO SOMALIA, AYNU KU QAYBSANO INAGOO WADA SIDANA MAGACA SOMALIA, SIDA KA SOO BAXDAY HADALKII UU JEEDIYEY WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA SOMALIA MAANTA, Arrintaasi oo macnaheedu yahay in mar haddii aynu ogolaano in mucaawimada lana inoo soo mariyo somalia , ay caalamka u tusaan in aynu la mid nahay maamul goboleedada ka tirsan somalia ee magaca somalia wax ku qaata.Arrintaasi oo dhaxalkeedu noqonayo in ay meesha ka baxayso gooni isutaagii somallilland.

Sidaa awgeed waxaan qabaa in qodobkaasi loo badallo in aynu ku heshiino inaga iyo somalia, IN QOLO WALBA SIDEEDA LOO SIIYO MUCAAWIMADA CAALAMKU BIXINAYO OO AAN QOLANA QOLO LOOGU DARIN WAX. MAADAAMA AYNU NAHAY LABA DAL OO AAN ISXUKUMIN.

Sidoo kale waxaa waajib ah in aynaan ogolaanin in shir walba marka la isu yimaado laga saaro ajandaha in laga wada hadlo Gooni Isu taaga Somaliland, arrintaasi oo aanu u aragno khiyaamo foolxun oo waqtiga lagu dheereysanyo inta ay diyaarsanayaan cudud dhaqaale iyo Millatry sida uu afku ka xadayo Madaxda reer somalia.”

GUUL IYO GOBONIMO

HALDOOR; ALI MAHAMED WARANADE

SOMALILAND HARGEISA

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com