Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labada Madaxweyne ee Somaliland & Soomaaliya Oo Wada Xaajood uga furmay Turkiga

Ankara(msl) Dalka Turkiga ayaa Martigelinaya Wada Hadalo foolka-ka fool ah oo u dhaxeeya Madaxweyneyaasha labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Wada hadaladdan foolka-foolka ah oo uu ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Turkiga Ahmet Davutoğlu, ayaa waxa ay si rasmi ah ugu furmeen labadda madaxweyne isla maanta kaas oo ku qabsoomay Qasriga Ankara Palas oo ku yaala dalka Turkiga

Ma jiro wax war murtiyeed ah oo laga soo saaray wada hadaladaasi maanta u furmay labadda Hogaamiye wadamadda Somaliland iyo Somalia, balse waxa u qorshaysan in ay la kulmaan Ra?isal Wasaaraha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Dalkaasi Abdullah G?l, ka dib marka ay dhamaystaan kulanka ay la leeyihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Davutoğlu.

Dalka Somalia ayaa weli doonaya in ay sii xejistaan Dalka Somaliland oo dagaal dheer ka dib xornimadiisii halawday 1960-kii dib ula soo noqday 1991, waxaanay ilaa mudadaasi beesha caalamka ka raadinayeen in ay ictiraaf caalami ah u helaan dawladnimadooda.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dabayaaqadii bishii hore booqasho ku tagay dalka Turkiga, wakhtigaas oo uu martiqaad rasmi ah ka helay.

Madaxweynaha oo ay u qorshaysnayd in uu wada hadalo la yeesho Erdoğan Ra?isal Wasaaraha Dalka Turkiga ayaa waxa hakad geliyay xanuun la soo dersay Ra?isal Wasaare Erdoğan.

Si kastaba ha ahaatee labadda dhinac ee Somaliland iyo Somalia ayaa si weyn ugu rajo weyn in ay heshiis kama danbays ah ka gaadhi doonaan wada hadaladooda uga bilaabmay dalka Turkiga.

maantasomaliland.com/Hargeysa OFFICE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com