Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka SOLJA Oo Magacaabay Gudida Anshax marinta Saxaafadda Somaliland

Hargeysa (MSL0Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa magacaabay Guddi muddo sanado ah laga naawilayay oo ah Gudida Anshax marinta saxaafadda kuwaasi oo ka kooban shan xubnood iyo la Taliye sharci.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mudane Xasan Maxamed Yuusuf, waxaanu gudoomiyuhu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in Gudidani wax weyn ka tari doonto xil gudashada suuban ee saxaafada dalka.

War-saxaafadeedka lagu magacaabay Gudida Anshaxa ee Saxaafadu waxa uu u dhignaa sidan:-

“Kulan ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA taariikhdu markay ahayd 07/03/2013, waxa ay si ballaadhan uga doodeen, una falanqeeyeen abuuritaanka Guddiga Anshaxa ee Saxaafadda oo baahi weyn loo qabo, si Saxaafadda iyo Suxufiyiintu uga badbaadaan, in lagu dhaqo xeerar cusub oo uu ka mid yahay Xeerka nabad sugidda Qaranka oo qodobo ka mid ah lagaga xusay Warbaahinta isla markaana loo helo Guddi Anshax oo dhexdhexaad, kana garsoorta Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha.

Haddaba Guddiga Fulinta ee Ururka Suxufiyiintu markay falanqeeyeen, kana doodeen arrinta abuuritaanka Guddigaasi, isla markaana dhegeysteen waxgaradka, aqoonyahannada iyo Ururrada bulshada, iyadoo la raacayo Xeerka Ururka Saxafadda Somalialnd SOLJA Qodobkiisa 6aad, Waaxda 5aad waxa ay isla qaateen oo ay go’aamiyeen.

Xubnaha Guddiga Anshaxa iyo la taliye dhinaca sharcigu ah, waxay kala yihiin sidan:
1. Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)
2. Ismaaciil Cumar Aadan Boos
3. Daahir Maxamuud Xaddi
4. Shugri Xariir Ismaaciil
5. Faysal Keyse Cumar

LA TALIYE SHARCI: Aadan Xaaji Cali

Waxaan ku rajo-weynahay in abuuritaanka Guddigani uu bogsiin doono tabashooyin badan oo u dhaxeeyey had iyo goor Saxaafadda, Dawladda iyo Dadweynaha, iyadoo ay Guddigani soo saari doonaan shuruucdii garsoor oo waafaqsan Dastuurka Qaranka iyo Xeerka Saxaafadda ee Lam. 27/2004, iyadoo ay Guddigani yihiin kuwo si madaxbannaani ah u gudan doona hawlahooda.”

Tallaabadani waxay wax ka taraysaa in Ururka Saxaafadda Somaliland uu gudihiisa ka anshax mariyo Ha’yadaha warbaahinta ee ku xadgudba qanuunka dalka isla markaana baahiya warar barobagaando ah oo dhinac ka raran ama been abuur ah oo saamayn taban ku yeelanaya qaranimada Somaliland.

MAANTASOMALILAND.COM/HARGEYSA OFFICE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com