Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Guurtida oo 2 sanadood iyo dheeraad u kordhiyay muddo xileedka aqalka Wakiiladda

Hargeysa(msl)Fadhi aan caadi aheyn ayey maanta yeesheen Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Somaliland ku yeesheen Xaruntooda , waxa fadhigaasi ka koobnaa ogolaanshaha muddo kordhinta Golaha Wakiilada iyo Buuxinta Jagada Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad, jagadaas oo bannaaneyd ka dib geeridii ku timi AHUN Sheekh Axmed Nuux Furre.

Fadhigan oo ay ka soo qeyb galeen 71 mudane ayaa waxa ugu horeyba halkaas ka hadlay Gudoomiya Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanuu sheegay in fadhiga maantu uu ka kooban yahay Ansixinta warqad soo jeedin ah oo uu Madaxweynuhu Golaha u soo diray 8/4/2013, ogolaanshaha muddo kordhin loo sameeyo Golaha Wakiilada iyo Buuxinta Jagada Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Guurtida.

waxa la bilaabay in la gudo galo qodobada maanta u yaalay Golaha iyada oo lagu bilaabay in Golaha loo akhriyo Warqad uu Madaxweynu u soo gudbiyey Golaha taas oo uu ku soo jeediyey in muddo kordhin loo sameeyo Golaha wakiilada isaga oo Goluhu ka maraayo waajibaadkiisa Distooriga ah. Waxa warqadaas Golaha u akhriyay Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Siciid Jaamac Cali, waxaanay u dhigneyd sidan “ Mudanayaal aniga oo tixraacaaya go’aanka Komishanka Doorashooyink Qaranka ee summadiisu tahay 319/2013 kuna taariikheysan 6/4/2013 ujeedadiisuna tahay Doorashada Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan Mudanayaal idiin soo jeedinayaa inaad ka gudataan xilkiina Distooriga ah eek u xusan qodobka 42 ee Distoorka Jamhuuriyada Somaliland. Allaa Mahad Leh.” Taasi waxay aheyd warqadii soo jeedinta aheyd ee Madaxweynaha Somaliland isaga oo tixraacaya qoraalkii Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Ka dib markii Golaha loo akhriyay Warqadii Madaxweynaha ka timi, waxa la gudo galay in la ogolaado soo jeedintaas Madaxweynaha waxaana si aqlabiyad ah ugu codeeyay 71 kii mudane ee maanta ka soo xaadiray fadhigaas. Taas oo sheegaysa in Golaha wakiilada loo kordhiyay muddo ah 2 sanno, bill iyo 27 cisho. Waxa koloo Golaha Guurtidu ay isu kordhiyeen muddo saddex sanno ah.

Muddo kordhinta wakiiladu markii la dhammeeyay ayaa waxa lagu xigsiiyay in la doorto ama loo codeeyo ciddii buuxin laheyd jagadii Gudoomiye ku Xigeenka Koobaad taas oo uu banneeyey kadib markii ay geeri ku timi AHUN Sheekh Axmed Nuux Furre. Waxa jagadaas usu soo taagay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mudane Siciid Jaamac Cali isaga oo golaha hortiisa ku dhiibey casilaadii Jagada Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad. May jirin cid kale oo la tartanta Siciid Jaamac Cali. waxa la gudo galay in loo codeeyo Siciid Jaamac Cali inuu noqdo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ogolaaday 70 xubnood, cid diidey may jirin Gudoomiyuhuna muu codeyn. Sidaas ayuu Siciid Jaamac Cali ku noqdey Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland.

maantasomaliland.com/Hargeysa office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com