Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Burco: Xaaladda Burco oo Kacsan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Amar ku siiyey inaanay Ka amar qaadan Maayarka

Burco: Xaaladda Burco oo Kacsan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Amar ku siiyey inaanay Ka amar qaadan Maayarka iyo Xildhibanada Degaanka Burco kadib markii ay ku Gacan saydheen Amar uu ku siiyey inay Dad Shicib ah u Sharciyeeyaan Dhul Dawladda hoose lahayd oo maamulo hore bixiyeen.
Khilaaf xoogan ayaa saaka ka dhashay Dhul ay Dawladda hoose ee Burco lahayd isla markaasna ay maamuladii ka horeeyey xukuumaddani siiyeen Dad shicib ah, waxaana khilaafkaasi bilaabmay kadib markii Wasiirka Arrimaha Guduha

Burco: Xaaladda Burco oo Kacsan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Amar ku siiyey inaanay Ka amar qaadan Maayarka
(Hadhwanaagnews) Tuesday, April 16, 2013
iyo Xildhibanada Degaanka Burco kadib markii ay ku Gacan saydheen Amar uu ku siiyey inay Dad Shicib ah u Sharciyeeyaan Dhul Dawladda hoose lahayd oo maamulo hore bixiyeen.

Burco: Xaaladda Burco oo Kacsan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer Amar ku siiyey inaanay Ka amar qaadan Maayarka iyo Xildhibanada Degaanka Burco kadib markii ay ku Gacan saydheen Amar uu ku siiyey inay Dad Shicib ah u Sharciyeeyaan Dhul Dawladda hoose lahayd oo maamulo hore bixiyeen.

Khilaaf xoogan ayaa saaka ka dhashay Dhul ay Dawladda hoose ee Burco lahayd isla markaasna ay maamuladii ka horeeyey xukuumaddani siiyeen Dad shicib ah, waxaana khilaafkaasi bilaabmay kadib markii Wasiirka Arrimaha Guduhu amar ku soo siiyey masuliyiinta iyo xildhibaanada Degmada Burco inay sharci ugu sameeyyaan dhulkaasi nin shicib ah oo ka mid ah Bulshada Reer Burco, waxaana amarka wasiirka si adag uga biyo diidey xildhibaanada iyo maayarka Burco, waxayna ku tilmaameen amar aan sharci loogu lahayn isla markaasna aanu wasiirku amrin golaha deegaanka burco ee sharciga lagu soo doortay.<>

Dhulkan oo hore u ahaan jirey Hudheel Caan ah isla markaasna u dhexeeya Deyrka Dawladda Hoose iyo Laamiga weyn ee ka yimaadda Biriijka weyn ee Burco oo ah dhul istiraatijiya ayna maraan Dhuumaha Biyaha ugu badan ay magaalada Burco ka cabto ayaa saaka ay mar keliya isku weer ka qabteen Ciidan beeleed uu watay Qofka Shicibka ah ee Dhulkan wasiirku la rabay, waxana markii ay goobta yimaadeen maayarka iyo xildhibaanada Degaanka Burco ku amreen ciidanka booliska dawladda hoose inay goobtaas ammaankeeda sugaan kana kexeeyaan dadka haysta illaa inta laga wada hadlayo , kana wada hadlayaan Dawladda hoose iyo Dawladda Dhexe, waxaana Ciidanka Boolisku si cad u diideen wax ka qabashada Arrintaas, iyagoo ku andacooday inay Amar ka haystaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliska Qaybta Booliska ee ay hoos tagaan, isl amarkasna lagu amray in dadka dhisanayaa Dhulkaas aan laga celin lagana hor joogsan Karin, amar kasta oo ku saabsan dhulkaasna ay ka diidaan Maayarka iyo golihiisa degaanka.

Arrintan ayaa noqotay mid dhalin karaysay amni xumadii ugu darnayd ee gobolka ka dhacda kadib markii maamuuskii iyo haykalkii Dawladnimo meesha ka baxay awaamiir aad isu khilaafsan oo keenay in laga xannibo ba maayarka amarkii ciidankiisu ka soo baxay Dawladda hoose iyo Dawladda Dhexe, waxaana si caadi dhulkaas imminka ugu sugan siina xaadh xaaadhanaya Dadkaas shicibka ah ee wasiirku Doonayo in loo sharciyeeyo dhulka, wallow ay dadku is weydiinayaan waxa arrinta dhulka soo geliyey wasiirka arrimaha gudaha madaama aanu wax awood ama sharci ah ba u lahayn balse ay ahayd in Dawladad hoose iyo wasaaradda Hawlaha Guud ka wada hadlaan.

Maayarka Burco oo anu ku bookhanay xafiiskiisa isaga iyo dhawr xildhibaan oo kale ayaa sheegay inaanay wakhtigan ka hadlay Xaaladda Dhulkan iyo Arrimo ku saabsan ba maadaama xaaladdu cirka ku laalantahay ilaa inta ay soo degaysona aanay suuro gal ahayn inay ka hor dhacaan, waxase xubno ka mid ah xildhibaanadu sheegeen in Arrinkaasi ahaa mid gef iyo meel ka dhacba ku ah golihii deegaanka ee la soo doortay ,iyagoo xusay in saldhigyada booliska iyo ciidanka booliska oo dhanba la amray inaanay ka amar qaadan Karin maayarka iyo xildhibanada Dawladda hoose illaa amar danbe.

Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Mr.Ilkacase oo anu isku daynay inaanu wax ka waydiino Arrimahan ayaanay noo suuro gelin sababo la xidhiidha mobilkiisa oo uu naga qaban waayey awgeed.

Qaarkamid ah Dadweynaha Reer Burco oo arrinta dhulkan ka faallooday ayaa sheegay in haddii dhulkaas la bixiyo oo xooga iyo awooda uu isticmaalayo wasiirka Arrimaha guduhu midho dhalo ay sababi karto iska hor keen Bulsho iyo in cid waliba dhul dawladeed ooh ore looga qaaday dib u qabsato isla markaasna ay Fawdo iyo Rabash hor seeddo, ma cadda illaa iminka sida xaalku ku danbayn doono laakin xaaladda magaalada ayaa laga dareemayaa Kacsanaan iyo hadal hayn badan oo shacabka reer Burco gaar ahaan intii sida tooska ah ula socotay iyo intii maqashayba wax iska weydiinayaan Arrinkan.

maantasomaliland.com/Burco office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com