Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Oo shaaciysay In Meeqaamkii u weynaa lagu xusi doono Munaasibadda 22-guurada JSL

Hargeya (MSL)Gudida heer qaran ee qaban qaabada munaasibadda 22-guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanida Somaliland ee 18-ka may, ayaa shaaca ka qaaday inay sanadkan u xusi doonaan meeqaamkii ugu sareeyay.

Gudidu waxay sidaasi ,ka sheegeen shir ay maanta ku yeesheen Wasaarada daakhiliga oo uu guddoominayay Wasiirka Arrimaha gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ah Guddoomiyaha Gudidaasi.

Wasiirka ayaa cadeeyay in Xuska sanadka ay noqondoonto mid ka meeqaam saraysa tii sanadihii hore,oo ay shacabka reer Somaliland ku muujiyaan dareenkooda, isagoo xusay inay Gudigani Xidhiidhin doonaan dhamaan Goobaha lagu qaban doono Xuska Sanad Guurada 22aad gudo iyo dibadba. Waxaanu yidhi “Waxaanu wargalinaynaa Gobolada iyo Degmooyinka masuuliyiintooda waxaanu wargalinaynaa Ururada Bulshada,saxaafada, aqoonyahanka iyo ardayda dhamaan In aynu sanadkan muujino inaynu waynayno Xuska maalintaa 18-ka may oo ay noqoto maalin uu shacabku isu soo bax balaadhan oo farxad, isku duubni iyo walaaltinimo leh muujiyaan.”

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur isago hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Astaan teenu waxa weeyi hormar, midnimo iyo helida aqoonsi Qaran insha ALLAH waayo waxaa socda wadahadallo Guulo badan laga gadhay oo uujiyey inay Somaliland Qaran tahay, waxaa muuqata Himilo Umada Ididiilo galinaysa in danteena iyo yoolka aynu leenahay aynu guul balaadhan ka gaadhi karno”.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Ahna Gudoomiyaha Gudigaasi waxaa kale oo wax laga xumado ku tilmaamay weeradii ka dhacay dalka aynu jaarka nahanay ee Somaliya isagoo sheegay inay amniga aasloo sugidoono shacabkana u soo jeediyey inay xilweyn iska saaraan ilaalinta amniga. “Waan cabaaraynaynaa falalkaa waananu ka xunahay wixii ku dhacay.”

“ Shacabka iyagana waxaanu faraynaa isku tiirsanaan, midnimo iyo amni ilaashi baanu faraynaa waxaanu leenahay dabaal daga iyo farxada Ha idiin la socoto taxadir oo qofwaliba ha ogaado inuu askari yahay,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.

“ Nabadgalyada ilaalinteedu way ka horaysaa, wax walba” ayuu intaasi raaciyay.

Magacyadda xubnihii Gudida ee shirka Fadhiyay

1- Wasiirka Daakhiliga

2- Wasiirka Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka

3- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

4- Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka

5- Maayar ku-xigeenka Caasimadda

6- Xilhiban Axamed Maxamed Diiriye (Nac-Nac),

7- Agaasimaha Guud Wasaaradda Madaxtooyada

8- Lataliyaha Arrimaha Bulshada ee Madaxwaynaha.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com