Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Kijaandhe Oo soo dhaweeyay sahaminta shiidaalka Somaliland

Hargeysa, (MSL)Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Arrimaha Bulshada ee golaha wakiilada Axmed Cabdi Kijaandhe aaya sheegay in mustaqbalka Somaliland ku xidhan yahay khayraadka ay leedahay oo la soo saaro, waxaanu ugu baaqay shacbiga Somaliland inay soo dhaweeyaan shirkadaha shidaalka ka baadhaya gobollada bariga dalka.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramay wargeyska DAWAN, waxa uu ugu baaqay dadweynaha Somaliland inay dhiirigeliyaan in khayraadka dalkeena la inoo soo saaro oo aynu mnaafacaadsano.

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ugu horayn ka hadlaya shirkadaha dalka ka baadhaya shidaalka waxa uu yidhi. “Wadankan mustaqbalkiisu waxa uu ku xidhan yahay maalgashigaas imika dawladihii dawlado caawin jiray ee mucaawimada iyo maanta ma jiraan, waxa aad wax ku noqonaysaa khayraadka dalkaaga ku jira oo aad munaafacaadsato, markaa awal dunidu bari iyo galbeed ayay kala ahayd maanta ma jiraan warshadaa la isku samayn jiray lagacayow ayaa la siin jiray dadku lagu shaqaaleeyo, maanta tii ma jirto, mustaqbalka dalkan waxa uu ku jiraa inaynu khayraadka dhulkeena ku jira munaafacaadsano, taasaana miisaan inoo keeni karta ictiraafkuna waxa uu ku xidhan yahay waxa dhulkeena laga helo. Waa inaynu soo dhawayno waa in dadka la wacyigaliyo waa in dadka loo sheego in khayraadka aynu wada leenahay oo aynu wada munaafacaadsano, markaa arrinkani waa fursad aad iyo aad u muhiima.”

Axmed Cabdi Kijaandhe isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Dadka Somaliland baaq ayaan u jeedinayaa waxaan leeyahay walaalayaal way ina anfici doontaa waxa inagu filan 50000 kun oo baarar oo maalintii aynu soo saarno wadan 5 milyan waxa la sheegaa inaynu nahay saddex milyan ilaa labo milyan, waxan leeyahay cagta u dhiga inta la hubinayo ama aynu wax ka halayno, in nin waliba uu yidhaahdo halkaa anaa leh halkan lama taabanay, , waxaynu u baahan nahay in dadkaa dibada aynu u yeedhano waar kaalaya waxnala qabta oo na caawiya oo qalab noo keena ayaan u baahanahay inaynu nidhaahno, markaa dadkii siday ee qalabkii waday haddaynu qoryo qoryayno waxaan leeyahay labo hala kala doorto maanta inaynaan qodan, laakiin maalmaha soo socda qodayno inaynu maanta qodano iyo inaynaan qodanba.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe waxa kale oo uu ka hadlay muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyey golaha wakiilada, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo, isla markaana tilmaamay inaanay xukuumaddu awood u lahayn inay doorashooyin isku xig-xiga qabato.

maantasomaliland.com/Hargeysa OFfice

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com