Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Dalka Iiran Oo ay Gabadhi Fagaare Hortiis Kaga Dalbatey Inuu Guursado

Hargeysa(MSL)Wakaaladda wararka ee la yidhaa Mehr ee ka soo baxda Dalka Iiran ayaa qortay in Madaxweyne Axmedinegad uu la kulamay dad ay ku jirtay Gabadh isaga jecled. Haweynadan oo ku nool Gobalka Waqooyi ee Dalka Iiraan ee l ayidhaa Semnan ayaa waxay mar kaliya ku tidhi Madaxweynaha “waan ku jeclahay ee I guurso” balse waxay arin adag ku noqotay Madaxweynihii umunuu jawaabin.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Iiran ee lagu magacaabo Mehr, gabadhaasi waxay aheyd qof Islaana ah ama Qof weyn ah. Gabadhaas ayaa iyada oo kor u dhawaaqaysa waxay madaxweyne Axmedinejad ka codsatay inuu guursado oo waliba degiyo magaalada Tehran ee caasimadda dalkaas, waxaan marqudha arintaas ka fajacay dadkii shirkaas ku sugnaa.

Markii ay hadalka dhamaysay ayaa dadkii ku sugnaa kulanku ay qosol u daateen gaar ahaan saxafiyiintii iyo duqaydii ama dadkii degaanku, hasa yeeshee Axmedinejad oo ay Su’aashani ku noqotay laf dhuun mariweydey, ayaa waayay jawaab uu ka bixiyo, waxaanu mar kaliya qarsoomay dhidid, ilaa heer uu ku sigtay inuu iska bixiyo dharka gaar ahaan Jaakeed uu xidhnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Haweenaydan oo markii shirka laga soo baxay la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dab qabsaday gurigeedu, uu dilay oo ay ku geeriyoodeen ninkeedi iyo wiil ay dhashay, cid ay la noolaatana aanay haysan oo nolosheedu ciriiri ku jirto.

maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com