Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dhul-gariir laga dareemay Boorame

Hargeysa (MSL)Gudoomiyaha Hay’adda ka hortaga Aafooyinka dabiiciga ah NERAD Dr. Maxamed Muuse Cawaale,ayaa sheegay in dhul gariirkii todobaadkan laga dareemay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorame uu ahaa mid heerkiisu hooseeyo.

Gudoomiyaha oo war-baahintu wax ka weydiisay dhul-gariirkaas ayaa sheegay, in dhul-gariirkaas oo xilli habeenimo ah laga dareemay magaalada Boorame uu heerkiisu ahaa qiyaas ahaan 4. Derajo heerka cabirka dhul-gariirka ee Regter-ka.kaas oo uu ku tilmaamay mid sahlan.

Gudoomiyuhu waxauu intaa raaciyey,in saddexdii sanadood ee u danbeeyey uu dhul-gariirka noocan ahi ku soo noq-noqonayey magaalada Boorame, kaasi oo aan wax wax-yeelo ah aan gaysan.

Magaalada Boorame ayaa waxa markii ugu horaysay dhul-gariir laga dareemay sanadihii sideetanaadkii.

maantasomalilnad.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com