Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo oo gaadhay magaalada Washington ee Maraykanka

Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay caasimada dallka Maraykanka ee Washington ka dib markii maalintii Sabtidii ay ka soo duuleen magaalada London ee dalka Ingiriiska.  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud – Siilaanyo ayaa mudada uu booqashada ku jooga dalka Maraykanka waxa uu kulamo la yeelandoonaa madax kala duwan oo ka tirsan xukuumada dalkaasi iyo congress ka maraykanka.   Waxa kale oo uu kulamo la yeelandoona hayado caalami ah iyo shirkado ganacsi.     Waxa sidoo kale uu kulan balaadhan la yeelandoonaa jaaliyada Somaliland ee maraykanka oo sidii jaaliyada London uu uga warbixindoono ujeedada socdaalkiisa iyo wixii uga soo qabsoomay dalallkii uu socdaalada ku soo maray ee Turkiga iyo UK.

IMG_1047-1
 

 
Madaxweynaha ayaa inta uu joogo la kulmidoona Madax badan oo ka tirsan dawlada Maraykanka, halka uu kulan balaadhan uu la yeelandoono Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Maraykanka.
 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com