Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka Midawga Naafadda Gobolka Togdheer Oo Kulan Shaqo-doon Ah U Qabtay Naafadda Gobolkaasi

Burco(MSL)Ururka Midawga Naafadda gobolka Togdheer ee THO ayaa Kulan wacyigalin ah oo shaqo loogu raadinaayay Naafadda gobolka Togdheer isla markaana lagu soo bandhigaayay baahiyaha haysta u qabtay.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala socday gobolka Togdheer , golaha deegaanka Burco ,Ganacsatadda gobolkaasi ,Madax-dhaqameed iyo Marti sharaf kale ayaa ka dhacay Hoteelka Golis ee magaalada Burco.

“ Kulankani waxa uu qaybka yahay kulamo wacyigalin ah oo aanu ugu talogalay in shaqo abuur loogu sameeyo Naafadda gobolka Togdheer ,isla markaana lagu soo bandhigo shaqooyinka ay Naafadu qaban karto ,markaa waxaanu ugu baaqaynaa Ganacsatadda reer Burco in ay shaqaalaysiiyaan Naafadda gobolka maadaama ay bulshada qayb ka yihiin. “ Sidaasi waxa yidhi Gudoomiyaha ururka Naafadda gobolka Togdheer Baashe Cabdilaahi Aadan.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirashiid Faarax Cali oo isna ka mid ah golaha deegaanka Burco oo madashaasi ka hadlay ayaa bulshadda iyo Xukuumadda ugu baaqay in ay gacansiiyaan Naafadda gobolka si loo daboolo baahiyaha haysta isla markaana dadka la shaqaalaysiinaayo lagu daro maadaama ay qaban karaan inta badan shaqooyinka Xafiisyadda .

Cali Mahdi oo isna ka mid ah masuuliyiinta sar sare ee Shirkadda Telesom oo halkaasi ka hadlay ayaa isna dhinacooda sheegay sharkad ahaan in ay diyaar u yihiin in ay gacan ka gaystaan shaqo abuurka Naafadda gobolka Togdheer ,waxaanu ku wargaliyay dadka aanu laxaadkoodu dhamayni in ay waxbartaan si ay shaqooyin u helaan.

Geesta kale Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubax iyo Xildhibaan Cabdikariin oo ka tirsan deegaanka Burco oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay kulankan shaqo-doonka ah ee lagu baahinaayay shaqo abuurista Naafadda Burco iyo baahiyaha haysta.

Gabogabadii Kulankan ayaa lagu soo bandhigay Riwaayad Maqal iyo Muuqaal ah oo ka turjumaysay dhibaatooyinka ku xeeran Naafadda Burco iyo shaqooyinka ay qaban karaan .

MAANTASOMALILAND.COM/Burco

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com