Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dalka Shiinaha Oo Dhulgariir Ba’an Ka Dhacay.

London(mal)Warar xaqiiqa ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan ay ku dhinteen 160 qof dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 6.6ha ee qiyaasta dhulgariirka lagu cabbiro. Dhulgariirkan ayaa ku dhuftay Gobalka la yidhaa Sichuan ee ku yaalay Koonfur-Galbeed ee Dalka Shiinaha.

.Dhulgariir dhaw ayaa isagu gilgilay meel u dhaw magaalada Ya’an oo ya dacal iska soo galaan Banka Tibentan, in yar kadib 8 subaxnimo ee sabtidii shalay. Waxa dhulgariirkan ku dhaawacmay dad lagu qiyaasay 5000 oo qof oo ay 147 ka mid ahi ku sugan yihiin xaalad adag.

.Dhulgariirkan oo si jiif ah u gilgilay magaalada ayaa waxa uu burburiyey dhismayaal. Dhulgariirkan ayaa ka meel inyar u jirta meel uu 2008 ku dilay 70, 000 oo qof, kaas oo oo dadkii deegaankaas ku reebay naxdin badan.

.Madaxweyne XI Jinping iyo Ra’iisal Wasaare Li Keqiang ayaa amray in da’daal badan loo sameeyo sidii loo daad gureyn lahaa islamarkaana loo badbaadin lahaa dadka wax ku noday dhulgariirka si looga hortago dhimasho badan.

Ra’iisal wasaaraha oo arintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “ arrinta immika jirta ee degdega ahi waxay tahay in lagu dheganaado 24 saacadood ee ugu horreeya ee markuu dhacay Dhulgariirku, waa wakhti dahabi ah sidii loo badbaadin lahaa nafaha dadka”

London

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com