Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Somaliland Oo Maanta Xadhiga ka Jaray Warshad ay Hirgaliyeen Ciidanka Asluubtu.e

Hargeysa(MSL)Wasiirka Wasaarada Cadaalada Md Jamaal Xuseen Caydiid oo maanta furay warshad ay leeyihiin Ciidanka Asluubta Somaliland oo soo saaraysa Agabka Guryaha lagaga shaqeeyo iyo qalabka Xafiisyada , Iskuulada,waxa intaa dheer oo kale Birta iyo Laxaamada iyo waliba dharka ciidanka gaar ahaan ka Asluubta.

Wasiirka oo furitaankaas ka hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Asluubtu ay qabteen wax weyn oo bulshada faa’iido u leh, islamarkaana mudan in lagaga daydo isagoo sheegay in Hay’ado badan gacan ka gaysteen.

Md Jamaal Xuseen Caydiid waxa uu bulshada Somaliland ka codsaday inay iibsadaan Qalabka iyo dharka ay soo saarayso Warshadani, isaga oo intaa raaciyay in suuqa ganacsigu xor yahay.

Dhanka kale waxa isna munaasibadan ka hadlay Taliyaha Ciidank Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) ,oo sheegay inay in badan ku hamiyayeen inay hirgaliyaan warshadan oo hore Ciidank Asluubtu u lahaan jiray, balse mudo fadhiday isaga oo tilmaamay in wax weyn ay ka taridoonto baahiyaha ciidan iyo bulshaba, waxaanuu xusay in ay waxba u dhimayn Warshadihii hore u furnaa ee qabanayay waxyaabahan ay soo saarayso warshadani.

MSL Desk Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com