Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida Dhalinyarada Beesha Degta Goboladda Hawd iyo Hargeysa Oo Socdaal Ku Tegay Deegaamadda Ay Teedsan Tahay Beeshu, Hargeysana Dib Ugu Soo Laabtay Iyagoo Ilmada Iska Tiraya

Socdaalkan oo uu hor kacayay Guddoomiyaha guddidaasi Axmed Maxamed Cabdilaahi (Darajo), ayaa waxa ay ku soo mareen deegaamo ay ka mid yihiin bidhiiqa, bali-case, gunburaha , magaalo-xali, magaalo-dhish, jabaaqe, iyo habaaswayn.

Bali-gubadle marka galbeed loga kacan

ay ahayd, kaabada galbeed, gumar, baargo, ina cunaaye, widhwidh darfacle, ayaa waxa ay dadkii ay halkaasi kula kulmeen kaga xog waraysteen baahiyaadkooda.

Waxa ay xuseen in aanay haba yaraatee arag wax ka socda xukuumadda isla markaana ay ka qatan yihiin gacanta xukuumadda hadii ay noqoto waxbarasho, xanaanaynta xoolaha iyo waliba beeraha.

Sidoo kale waxa ay si aad ah u soo dhaweeyeen in beesha degta Gobolka hawd iyo Hargeysa ay qabsadaan shir ay kaga arrinsanaayaan xaaladda guud ee uu dalku marayo, waxaanay digniin adag u direen shakhsiyaadka xukuumadda kaga jira beeshoooda oo iyagu ul booc ah ugu ku tubaya in aan shir la isugu iman Karin.

Guddida dhalinyaradda Beesha Gobolka Hawd ee marka Magacooda la soo gaabiyo loogu yeedho G16 ayaa socdaal xaqiiqo raadin ah dhawaan ku Tagay Deegaamadda Hoos Yimaadda Goboladda Hawd iyo Hargeysa ee ay beeshoodu degto.

Waxa ay dhamaanba dadkii ay dhalinyaradaasi la kulmeen xukuumadda ugu baaqeen in ay u soo dirsato shirka beeshu qabsanayso si ay uga war hayaan waxyaabaha lagaga hadli doono.
G16

Dhinaca kale guddida Dhalinyaradda beesha Hawd ee G16 ayaa iyaguna ugu baaqay dadkii ay deegaamadaasi kula kulmeen in ay ka shaqeeyaan danaha deegaanka iyo waliba ka Somaliland.

Waxa kale oo kula dar-daarmeen in ay si weyn ugu diyaar garoobaan shirka beeshu ay kaga arrinsanayo aayaheeda oo la filayo in uu qabsoomo bilaha soo socda.

Sidoo kale xukuumadda ay guddidaasi dhalinyarada ah ee socdaalka ku tagay Deegaamadaasi ugu baaqeen in ay sida ugu dhakhsaha badan uga dhisaan xarumo xaafimaad, waxbarasho iyo waliba baahiyaadka kale ee aas-aasiga deegamadaasi oo aanay hadda jirin

Guddida ayaa socdaalkoodaasi ka dib ku soo laabtay Magaaladda Hargeysa iyaga oo ay ilmadu tibiq-leedahay isla markaana soo xaqiiqsaday in ay deegaamadda ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan aanay xukuumaddu u hagar bixin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com