Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Raysal Wasaare Hailemariam oo Faahfaahiyay Iskaashiga Somaliland Iyo Itoobiya

Addis Ababa(MSL0Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalgne ayaa sheegay in dawladda Somaliland uu ka dhexeeyo iskaashi dhinaca nabadgelyada ah, isla markaana labada dal ay ka wada shaqaynayaan sidii ganacsiga labada dhinac loo balaadhin lahaa.

Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu sheegay in dawladda Itoobiya ay dhawaan u dirtay Somaliland toban agaasime iyo Wasiir ku-xigeenno, si loo sii ambaqaado wada xaajoodka la xidhiidha dhinaca ganacsiga labada dhinac. “Somaliland waa saaxiib muhiim ah oo Itoobiya ay leedahay waxa naga go’an wax kasta oo ay nagu qaadato inaanu difaacno oo aanu ilaalino Somaliland, diyaarna waanu u nahay markasta oo ay noo baahdaan walaalahayo Somaliland inaanu garab istaagno.” ayuu yidhi Mr. Desalgne.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in ciidamada dalkiisu ay diyaar u yihiin inay ka barbar dagaalamaan, tabobar u fidiyaan, isla markaana haddii loo baahdo ay siiyaan haddii ay dhacdo in Somaliland khatar kaga timaado kooxaha xag-jirka ah ee Soomaaliya, waxaanu isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Ciidamada Itoobiya diyaar ayay u yihiin inay siiyaan taakulo iyo gacan ciidamada Somaliland, haddii loo baahdana waxaanu diyaar u nahay inaanu Somaliland ka difaacno khatar kasta oo kooxaha xag-jirka ahi kusoo qaadaan ama dhinac kale kaga timaada.”

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo maalintii sabtida la hadlayay baarlamanka dalkaas ayaa khudbadiisii hadalkan ka yidhi, waxaanay noqonaysaa taageeradii dhinaca afka ah ee ugu balaadhnayd ee Somaliland ka hesho dawlada Itoobiya, iyadoo uu hore u jiray xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi oo labada dal u dhexeeyay.

Sidoo kale, Xuskii sannad guurada 22aad ee maalinta qarannimada Somaliland oo ku beegnayd maalintii sabtida ayay dawladda Itoobiya u soo wefti heer qaran oo ka qayb gala xuskaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com