Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weftigii ka socday Jabuuti Ee Ka Soo qayb-galay xuskii 18-k may oo qado sharafeed lagu maamuusay

Hargeysa(msl) May 20, 2013Weftigii reer Jabuuti ee dalka u yimi ka qaybgalka xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May ayaa maanta casuumad loogu sameeyay beeraha Arabsiyo ee Gobolka Gabiley.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Wacyigelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur, Agaasimaha Wasaaradda Kalluumaysiga Maxamed Cilmi Aadan ayaa weftiga Jabuuti ku casuumay magaalada Arabsiyo bewereheeda.
Wefiga reer Jabuuti oo uu hogaaminayey Cali Cabdi Faarax ayaa, waxa ka mid ahaa Ugure Tifle Axmed, wasiirkii hore ee gaashan-dhiga Jabuuti Xidhibaan Cali Diini, Cali Suubane oo ah Agaasimaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti ,Diini Maxamed Burhaan oo ah xidhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur oo ugu horeyn munaasibadaas casuumadda ka hadlay ayaa, sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay wefitga reer Jabuuti ee ka soo qaybgalay xuska sannad-guurada 22aad ee madaxbanaanida Somaliland, isla markaana uu ku soo dhawaynayo gacmo furan , Gobolka gabiley iyo Arabsiyo waxaana ka mid ahaa hadaladiisii.

“Runtii waxaad ku soo dhawaataan mid ka mid magaalooyinkiina runtii dadka reer Jabuuti waa dad taariikh ku leh Somaliland waxaana halkan ku aasan mujaahidkii waynaa ee Reer Jabuuti Marxuum Axmed Xasan Liibaan oo ku magac dheer (Guhaad ) waanu soo booqanay aniga iyo weftiga reer Jabuuti xabaalaha ilma daddo, waxaananu u mahad-celinaynaa dadka reer Arbsiyo ee casuumadan qiimaha leh noo fidyey waan mid ay mudan yihiin weftiga Jabuuti, runtii waxa xusid mudan waa weftigii ugu horeeyey ee Somaliland ka soo qaybgala xuska markaa waxaan leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii iyo dadkiinii.”
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cali Cabdi Faarax oo halkaas ka hadlay ayaa, u mahad-celiyey Xukuumadda Somaliland iyo dadka ku dhaqan magaalada Arabsiyo.

Cali Cabdi Faarax wuxuu sheegay inay Somaliland walaalo yihiin, waxaanu ka hadlay ujeedada socdaalkooda. “Waxaanu u nimi inaanu walaalahayaga Somaliland aanu kala qayab-galno xuska Sanad-guurad 22aad oo aanu ugu hambalyeynayno horumarka ay gaadheen 22 sanno, iyadoo caalamka aany cidina caawin waa wax la majeerto, waa wax loo bogo waxaanay Somaliland halkaasi ku soo gaadhay kalsoonida ay isku qabto inay, dad iyo dawlad ahaan wax qabsan karto waxaanan leeyahay Somaliland halka ay maanta joogto maaha meel ka qarsoon caalamka, waxaanan rajaynayaa inaad mustaqbalka dhaw caawin doontaan mandaqada,” ayuu yidhi Cali Cabdi Faarax.

waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaanu booqanay siyaasigayagii odaygayagii, Axmed Xasan liibaan waxay taasi ka dhigan tahay xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhexeeya oo waxa ku aasan siyaasigayagii ugu waynaa, markaa Gabiley waa Jabuuti, .waxaanan leeyahay Somaliland halkaa hore ha uga sii wado, waxaanad taagan tihiin dimuqraadiyad caalamka halkii ugu saraysay.”

Munaasibadan ayaa waxa sidoo kale ka hadlay maamulka Gobolka Gabiley iyo Arabsiyo, Salaadiin iyo Madax-dhaqameed oo dhamaantood soo dhaweeyey weftiga reer Jabuuti.

xaseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com