Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inaan La Qaadi Doonin Xayiraadda Ay Somaliland Saartay Diyaaradaha Qaramada Midoobay Illaa Heshiis La Gaadho.

Hargeysa(MSL)Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa cadeeyay inaanay Somaliland ka noqon doonin go’aanka ay xayiraadda ku saartay duulimaadyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee iman jiray Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo uu 19 May, ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu kaga hadlay go’aankaas Somaliland ee la xidhiidha hay’adda ICAO oo ku wareejinaysa hawada Somaliland iyo Somaliya, dawladda federaalka Somaliya. “Xayiraadda ay Somaliland saartay duulimaadyada Qaramada Midoobay, lama qaadi doono ilaa aanu heshiis ka gaadhno.” Sidaas ayuu Madaxweynuhu ku yidhi qoraalka kooban ee uu ku qoray bartiisa twitterka.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo isla maalintaas Twitterka geliyay, farriin kooban oo uu u diray beesha Caalamka, “Bulshada caalamku waa inay fahantaa inaan rabitaanka iyo himilooyinka reer Somaliland la iska indho tiri karin.”

Go’aankan uu Madaxweyne Siilaanyo ku ladhay xayiraadii uu wasiirka duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, saaray duulimaadyada Qaramada Midoobay, ayaa u muuqda mid uu Madaxweyne Siilaanyo ku sii adkaynayo xayiraadaas, islamarkaana uu ku muujinayo inuu go’aankaasi yahay mid rasmi ah oo ay hirgelintiisu dawladda Somaliland ka go’antahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com