Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Dhismaha Garoonka Diyaradaha Ee Burco Ugu Deeqay 20,000 Kun Oo Dollar.

DJibuuti(msl)-Ganacsaddaha Caanka ka ah Dalalka Somaliland iyo Djabouti ee Axmed Cismaan Geelle, ayaa lacag gaadhaysa 20,000 oo Dollar ugu deeqay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Burco.

Axmed Cismaan Geelle oo ka mid ah ganacsatadda Maalgashiga ugu balaadhan ka sameeyay dalka Somaliland ayaa deeqdaasi lacageed gaadhsiiyay xildhibaanadda Cali Mareexaan iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeyo oo iyagu dhawaan booqday Magaaladda Djabouti

Deeqdan ayaa noqonaysa deeqdii ugu horeysay ee ay Warshadda Sharaabka ee SBI kaga qayb-qadato dhismaha garoonka diyaraadaha ee Magaaladda Burco oo hada lagu hawlanyahay dhisidiisa,

Warshadda sharaabka ah ee SBI oo uu Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ka hir-geliyay dalka ayaa waxa ay shaqo abuur balaadhan u samaysay dhalinyaradii ugu badnayd, waxaana sanadka labaad ee hadda u bilawday warshadaasi ay shaaciyeen in ay shaqo abuurkii ugu balaadhnaa u samayn doonaan dhalinyarada reer Somaliland, xildhibaanada la kulmay ganacsade Axmed Geelle ayaa dhinacooda aad ugu mahadnaqay qadarka lacagta intaa leeg ee uu ganacsaduhu u huray dhismaha madaarka Magalada Burco isla markaana u soo jeediyay ganacsatada kale in ay qaybtooda ka soo qaatan dhismaha garoonkan.

Maantasomaliland.com/Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com