Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasarada Ciyaaraha Oo Soo Saartay Liiska Isku Aadka Kooxaha Ciyaaraha Gobolada Oo Barri Furmaya

Hargeysa(MSL)Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday isku aadka kooxaha ee ciyaaraha Gobolada Somaliland oo maalinta berrito ee Axadda si rasmi ah uga furmi doona Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Shir jaraa’id ay maanta si wada jir ah u qabteen Agaasimaha guud ee wasaaradda ciyaaraha Md. Mustafe Maxamuud Qodax iyo gudida qabanqaabada ee tartanka ciyaaraha gobolada Somaliland ayaa waxa ay ku soo bandhigeen habka ay kooxuhu isugu dhacayaan wareegga hore iyadoo sadex Group laga dhigay tartanka kubadda cagta, halka tartanka kubadda kolayga-na laga dhigay labo group.

Dhanka kubadda cagta ayaa waxaa kooxaha loo qaybiyey sadex Group oo kala ah

Group A waxa auu ka kooban yahay shanta gobol ee kal ah: Maroodijeex, Buuhoodle, Saraar, Sanaag, iyo Salal.
Group B ayaa isna ka kooban Gobolada kala ah, Gobolka Hawd, Badhan, Saaxil iyo daad madheedh.

Group C oo la aaminsan yahay inuu yahay Group-ka geerida ayaa isna waxaa ku wada jira gobolada kala ah Sool, Awdal, Gebiley iyo Togdheer.

Dhanka tartanka kubadda kolayga oo loo qaybiyey labo group ayaa waxaa Group A oo ka kooban sadex kooxood ku wada jira Gobolada kala ah, Maroodijeex, Hawd iyo Sanaag. Halka Gropup B oo ka kooban afar gobol ay ku wada jiraan Kooxaha Awdal, Gebiley, Saaxil iyo Togdheer.

Somaliland.com/Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com