Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

kooxda gobolka maroodi jeex 2-1 gobolka saraar kaga adkaatay

Xulka Maroodi-jeex 2-1 Ku Muquuniyay Xulka Saraar

June 2nd, 2013 Comments Off

Hargeysa >msl)-Tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland ayaa galabta ka furmay garoonka Hargeysa Stadium ee magaaladda Hargeysa, waxaana ciyaartii u horeysay oo aad u xiiso badan lagu furay Gobolka Maroodijeex ee difaacanaya horyaalnimadda ciyaaraha gobolka iyo xulka gobolka Saraar.

Ciyaartan waxa gool ku hormartay kooxda xulka gobolka maroodijeex waxaana u dhaliyay Maxamuud Cabdi Xasan Koofindhe, halka daqiiqado ka dibna ay xulka Saraar keensadeen goolkii bar-bar dhaca oo uu u saxeexay ciyaar yahan la yidhaahdo Casayr Maxamed.

Gobolka Maroodi-jeex ayaa la yimdi goolkoodii labaad oo uu u saxeexay isla Ciyaar yahahnkii goolkii koowaadna u dhaliyay oo la yidhaahdo Maxamuud Cabdi Xasan (Koofindhe).

Labadan xul oo ku wada jira Group-ka (A ) waxay soo bandhigeen diyaar xiiso gelisay dadweynihii daawanayay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com