Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha guud ee Ciidamadda Qaranka Somaliland Sareeyo Gaas, Ismaaciil Maxamed Shaqale iyo wafti saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa shalay safar ugu kicitimay Magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia,

Hargeysa, (msl) – Taliyaha guud ee Ciidamadda Qaranka Somaliland Sareeyo Gaas, Ismaaciil Maxamed Shaqale iyo wafti saraakiil ah oo uu hogaaminayo ayaa shalay safar ugu kicitimay Magaaladda Adis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kuwaas oo iyagu shalay ka duulay Madaarka Magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Sida ay Shabakadda Cu xaaalmiga ah ee baligubadlemedia u xaqiijiyeen Ilo wareedo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan hogaanada ciidanka oo uu ka mid yahay hogaanka tababarka Ciidamada Korneyl Axmed Tansaani in socdaalkoodu ka dhashay marti qaad la ay ka heleen Madaxda Ciidamadda Amaanka dalka Ethiopia, oo sida tibaaxuhu sheegeen in socdaalkooda oo qaadan doona mudo 4 maalmood ah ay Magaaladda Adis-ababa kulamo xasaasi ah kula yeelan doonaan Taliyayaasha Ciidamadda Ethiopia isla markaana ay ka wada hadli doonaan xidhiidhada iyo cilaaqaadka ka dhexeeya labadda dal. Sidoo kale waxa ay xogahaasi intaasi ku darayaan in Socdaalka Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale uu ku tagay dalkaasi inay la xidhiidho sidii ay labada wadan sii kobciyaan xidhiidhkoodii dhinaca amniga maadaama oo mandaqadu gashay wakhti aad u xasaasi ah xaga amniga. Dhinaca kale kulankan xasaasiga ah ee Madaxda Ciidamada Somaliland iyo Ethiopia ee wakhtigan ayaa ku soo beegmay xili Xiisad cakirani oo ka dhalatey biyaha Webiga Niilka ay ka dhextaagan tahay dalka Masar iyo Ethiopia, taas oo wakhtigan ay Magaaladda Muqdisho ku sugan yihiin saraakiil Milatari oo ka socda xukuumadda Qaahira, kuwaas oo la sheegay inay tababaro Milatari siin doonaan Ciidamada Maamulka Muqdisho.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com