Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xulka Kubadda Cagta Badhan Oo 1-0 Iskaga Reebay Xulka Gobolka Saaxil

Hargeysa (maantaSomaliland)- Xulka kubadda cagta ee Gobolka Badhan ayaa maanta 1-0 kaga talaabsaday xulka gobolka Saaxil oo ay wada yeesheen ciyaar aad u xiiso badan oo soo jiidatay dadweynaha garoonka ku sugnaa.

Ciyaartan oo aad u kululayd maadaama oo labada xulba ciyaartoodii hore laga soo badiyay, waxay labada xul ee Saaxil iyo Badhan-ba soo bandhigeen ciyaar adag oo is ceshanaysay isla markaana inta badan isu dheeli tirnayd.

Badhtamihii qeybtii hore ee ciyaartan ayaa ciyaartoyga magaciisu yahay Birimo oo Lambarka 7-aad u sitay xulka Gobolka Badhan uu u saxeexay goolka ay kaga adkaadeen xulka gobolka Saaxil oo ay ku wada jiraan qeybta labaad (Group B).
Qeybtii labaad ee ciyaarta xulalka Saaxil iyo Badhan ayaa aad uga sii kulalaatay qeybtii hore, waxaanay labada xulba iska lumiyeen fursado badan oo goolal noqon karayay.

Xulka kubadda cagta ee Badhan ayaa difaacday goolkoodii ay dhaliyeen qeybtii hore. Waxaanay ciyaartaasi ku dhammaatay 1-0 ay ku badiyeen xulka Badhan, waxa xulka Saaxil noqdeen xulkii horeeyay ee tartanka ciyaaraha goboladda ka hadha, maadaama oo labadii ciyaarood ee ay yeesheenba laga badiyay, waxa u hadhay ciyaarta sadexaad oo ay la yeelanayaan xulka Gobolka Hawd oo sita 4 dhibcood.

Halka xulka Gobolka Badhan ay ciyaarta sadexaad is haleeli doonaan xulka gobolka Daad-madheedh oo leh afar dhibcood.
maantasomaliland/office/hargaysa/

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com