Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada RRU-da Oo Hawl-gal Baadhis Ah Ka Sameeyay Bacadlayaasha Burco Iyo Qaarka Mid Ah Shaqalihii Meheradahaas Oo Ay Kaxaysteen

Burco(msl) June07, 2013 -Ciidamada sida gaarka ah loogu tababaray ladagaalanka iyo ka hortagga Argagixasada ee looyaqano RRU-da ayaa xalay hawlgal ballaadhan oo ay saqdi dhexe ee xalay ku mireen Bacadlayaasha Magalada Burco ku qab-qabtay illaa 5 qof oo dhalinyaro ah oo qaar ka mid ah bacadlayaasha ilaalinayey iyo qaarka mid ah shaqalaha madbacada Jamacada Golis.

Hawlgalkan oo xalay 2dii habeenimo ay fuliyeen ciidanka RRU-du oo ka yimid dhinaca magaalada Hargaysa ayaa dadkii ka agdhowaa aggaas xalay werwer ku abuuray, waxana ay gudaha u galeen inta badan bacadlayaashaas oo ay baadhitaan laxaad leh ku sameeyeen kana qaateen hubkii meheradahaas lagu ilaalinayey, iyagoo qaar ka mid ah Bacadlayaashaasna Qufullo waaweyn ku xidhay,

Saaka oo jimce ahayd aroortii horeba waxa bacadlayaasha hortooda isa soo dhoobay dadweyne tiro badan oo ka war helay hawlgalkan xalay ay fuliyeen ciidamada RRU-du , kuwaas oo ay walaac xoogan ka muujiyeen mulkiilayaashii Meheradahaasi ganacsi.

Markii ay ciidamadan RRU-du soo galeen gudaha bacadlayaasha waxa layeegay in ay goobtaaska kaxaysteen dhalinyaradii ilalinaysay meheradaha iyo kuwo dhex hurday,oo la sheegay in loo soo dhaadhiciyay Magalada Hargeysa,

Badhasab kuxigeenka Gobolka Togdheer Mr ubaxle oo goobta yimid ayaa isna dejiyey dadkii buuqsanaa ee goobta ku sugna isagoo u sheegay in hawlgalkan anay ka war haynin, khalad gobolka laga galayna uu ahaa, waxanu u sheegay in arrintaas ay ka daba tegayaan meheradaha xidhan ee ay ciidamadu qufuleena ay galabta furi doonan marka ay arrinta darsaan .

Dhinaca Kale dadwaynaha ku nool magalada ayaa maanta dareen cadho leh ka muujiyey ciidamadan RRU-da oo dadwaynaha reer burco xasuusisay dhacdadii dhawaanta ay ku luglahayeen ciidamadani,oo loogu jawabay mudaharaadyo gil-gilay magalada.
maantasomaliland.com
burco
cabdi jaamac

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com