Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaabka gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi iyo taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Gabiley Saleebaan Ducaale Warsame ayaa maantadigniin u diray mukhalisiinta dalka ka tahriibiya dhalinyarada,

Gabiley (msl): Badhasaabka gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi iyo taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Gabiley Saleebaan Ducaale Warsame ayaa digniin u diray mukhalisiinta dalka ka tahriibiya dhalinyarada, waxaanay ay sheegeen inay ka gobol ahaan joojiyeen tahriibka.

Badhasaabka Gabiley iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Gabiley oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Gabiley, waxay sheegeen inay talaabo ka qaadi doonaan dhalinyarada dalka ka tahriibaysa iyo cid kasta oo u fududaynaysa in ay tahriibaan.

Taliyaha Qaybta Booliska eegobolka Gabiley Saleebaan Ducaale Warsame oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in ay uga digayaan dadka wax tahriibiya iyo dhalinyarada tahriibasyaba in in ay gobolka Gabiley hawlahaasi ka joojiyeen.
“Bulshada Somaliland yar yar iyo waaweynba waxaan u sheegaynaa in la joojiyay tahriibintii, mid tahriibiya haday tahay iyo mid tahriibayn haday tahay ba oo ay noqotay aafo haysata dhalinyarada, waxaan markaa uga digaynaa hadaanu nahay booliska gobolka Gabiley in arrintaasi tahay qofka tahriibayaana uu yahay qof naftiisa ha ligaya oo naftiisa ka badbaadin, ka tahriibaya, ka kiraysta ee gaadhiga wax ee soo qaadaya” ayuu yidhi Saleebaan Ducaale Warsame.

Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi ayaa isna waxa uu sheegay in qofka tahribayaa uu naftiisa haligayo isla markaana ka tahriibinayaana uu haligayo dhalinyarada, waxaanu ku tilmaamay tahriibka aafo haysata dhalinyarada Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com