Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xulkii Gobolka Togdheer Oo Xabsiga Lagu Guray Iyo Wasiirka Ciyaaraha Oo Ku Fashilmay In Uu Xaliyo Khilaaf Mudo Soo Jiitamayay Oo Ka Dhex Jira Xulka.

Hargeysa(MSL)Ciyaaryahanadda Xulka Gobolka Togdheer ee sanadkan ka qayb gelayay koobka Goboladda Somaliland ayaa gabi ahaantoodba Xabsiga Lagu Guray, ka dib markii uu khilaaf gacan ka hadal gaadhay uu dhex maray.

Ciyaaryahanadda oo badankoodu ka soo jeeda laba beelood oo wada dega Magaaladda Burco, ayaa isku maandhaafay qaabka loo wada ciyaarayo,ayagoo ciyaartooy ka mid ah ay sheegen in ay ka baxeen maamulka ciyaaraha ee wasaradu wixii lagu soo afmeeray khilafkii xiligii xulitaanka ee magalada Burco,kaas oo ku doodeen qaarka mid ah ciyaartooydasi in ay gabi ahaanba ciyaartoy isku beel ahi la wareegen habkii iyo hanaankii uu qorshu ahaa ee lagu Soo heshiiyay,kadibna ciyaartoy ka biyo diiday arrintaas la sheegay in ay wasarada ciyaraha weerareen ,

Ciyaartooygan ayaa waxa la sheegayaa in ka hor ciyaarta oo wakhtigeedii hada wax badan soo dhaaftay ay muran soo kala dhex galay isla markaana wasaaradda ciyaaraha Somaliland ay go’aan ku gaadhay in xabsiga la wada dhigo,

Ciyaaryahanadda Xulka Gobolka Sool ayaa iyagu halkaasi ka helay fursad, waxaanay uruursadeen saddex dhibcood oo muhiim u ah.

Arrintan ayaa u muuqata in mid uu ku fashilmay in uu xalliyo khilaafkan oo aan ahayn mid hada bilawday balse mudo dheer soo jiitamayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com