Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Itoobiya oo Si Adag uga Jawaabay Jar iska Xoornimadda Dawladda Masar

Itoobiya oo Si Adag uga Jawaabay Jar iska Xoornimadda Dawladda Masar

June 13th, 2013 Comments Off

“Masar Waxay ku Dagaalameysaa oo Keliya Niilka Haddii ay Hoggaamiyeyaasheedu Waasheen”

Addis Ababa (msl) – “Dhismaha biyo xidheenka ‘Renaissance Dam’ waa tallaabo weyn oo ay Itoobiya kaga saareyso dalkeeda saboolnimada, isla markaasna aaney jirin awood is hortaagaysaa dhismaha mashruuca, sidaasi waxa sheegay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Haila Marizm Desalagu oo mar kale ku celiyay mowqifka dawladdiisa.

Ra’iisal wasaaraha Haila Mariam oo si adag u dhaliiley hadallo turxaamaysnaa oo dhawaan ka soo yeedhay siyaasiyiin Masaari ah waxa uu tilmaamey inay ahaayeen kuwo ay kaga baxsanayaan mucaaridad xoog leh oo ka soo waajahday gudaha dalkooda dhawaanahan.

Warkan oo ay baahisey wakaalada WIC, Waxa uu kaga dalbaday siyaasiyiinta Masaarida inay dib u eegaan mowqifkooda aan laga caawin karin ee biyo xidheenka ‘Renaissance Dam’. Waxaanu sheegay in haddii ay Masar dagaal ku gasho biyaha Nile ay noqonayaan hoggaamiyayaashii ugu waallnaa ee soo mara dalkaasi.

Waxa uu ku booriyay inay yimaadaan miiska wada hadalka iyo iskaashiga oo ay ka wada xaajoodaan sida faa’iidada u leh labada dad ee saaxiibka ah.

Ra’iisal Wasaaruhu, waxa uu u bogey taageerada Suudaan u muujisay tan iyo markii la bilaabay laba sano ka hor dhismaha biyoxidheenka warshadda dhalinaysa awooda koronto dhan 6,000 MW.
Waxaanu ku bogaadiyay Suudaan iskaashiga ay muujisay iyo sida ay u aqoonsatay faa’iidada dhaamkaasi u leeyahay dalalka uu maro webigu.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan oo yimi Salaasadii Itoobiya ayaa dib u xaqiijiyay mowqifka dalkiisa ee dhaamka.
Haila Mariam waxa uu caddeeyay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay iskaashiga arrimaha biyaha Nile-ka inta la aqoonsanyay saami caddaalad ah oo Itoobiya ka hesho khayraadka biyaha.

“Itoobiya, waxa ay u taagan tahay iskaashi ay ka gasho arrimaha biyaha Nile,” ayuu yidhi Haila Mariam.
Itoobiya waxa ay qaaday tallaabo lagu abuuray guddi khubarro caalami ah oo ay ahaayeen wax cad tallaabooyinkoodii intii ay howsha ku jireen Khubaradaasi oo daraasadoodii baahisay toddobaad ka hor waxa ay caddeeyeen mowqifka Itoobiya ee ahaa in aanu dhaamkaasi waxyeello sidaas u lahayn dalalka biyaha webigu maraan inkasta oo ay taasi ka soo horjeesatay sheegashada ka imanaysa warbaahinta iyo siyaasiyiinta Masar.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com