Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland Oo Gaashaanka Ku Dhufatay In Hargeysa Laga Furo qeybta siyaasadda UN-SOM

“Qeybta Siyaasadda ee UN-SOM Waxay ka Hor Imanaysaa Qaranimadda Somaliland”

HARGEYSA (msl)- Xukuumadda Somaliland ayaa caawa daboolka ka qaaday inay gaashaanka ku dhufatay in Hargeysa laga furo xafiiska siyaasadda qarramadda midoobay ee UNSOM oo ay ku dooday inuu ka hor imanayo madax-banaanida qaranimadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland waxay caawa sidaasi u sheegtay ergayga Xoghayaha guud ee qarrammadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia ee cusub Mr. Nicholas Kay, oo socdaalkiisii ugu horeeyay ku yimid Somaliland isla markaana caawa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa kulankaasi ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyadda waxa uu faah-faahin ka bixiyay asbaabaha ay Somaliland ku diiday in Hargeysa laga furo qeybta siyaasadda ee xafiiska ergaygan cusub.

Wasiirka Khaarajiga oo ka hadlayay ujeedada socdaalka ergayga cusub waxa uu yidhi “Waxa Madaxweynaha Somaliland iyo xubno Wasiirro ah oo aan ka mid ahaa aanu la kullanay wakiilka cusub ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa Nicholas Kay oo maanta Somaliland socdaalkiisii u horeeyay ku yimid Hargeysa, waxaanu u yimid Somaliland si aanu uga wada hadalno awooda sharci, shaqo , siyaasadeed iyo qorshe ee xafiiskiisan cusub iyo saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland.”

Wasirka Arrimaha dibaddu waxa uu ka hadlay aragtida Somaliland ee waajibaadka shaqo ee ergayga cusub loo magacaabay, waxaanu yidhi “Waxaanu markii aanu Xukuumad ahaan daraasad ku samaynay ee aanu si balaadhanna u eegnay waajibaadka shaqo ee xafiiskan cusub ee berigii hore la odhan jiray UNPOS imikana loo bixiyay UNSOM, waxaanu u arkaynay inuu iskugu jiro laba nooc ama shaqo oo la isku biiriyay, midi wuxuu ahaa shaqadii Ha’yadaha jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa ay wadeen ee ku wajahnaa arrimaha aadaminimo iyo horumarinta ee ay ka mid ahaayeen Ha’yadaha UNDP, WHO iyo kuwa kale ee mucaawimadda iyo horumarka bixiya.

Qeybta labaadna waa qeyb cusub oo xagga siyaasadda ah oo gabi-geeduba ku wajahan sidii loo caawin lahaa, loona dhis lahaa dawladda Soomaaliya ee Federaalka ah. Haddii ay tahay dib u heshiisiintoodii, kaabis lagu sameeyo dastuurkooda iyo dhisida amnigooda. Markaa waxaanu xukuumad ahaan go’aansanay inaanu Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa kala shaqeyno wax allaale iyo wixii xaga horumarinta ku saabsan sida UNDP iyo Ha’yadaha kale ee UN-ka ee dalka degan gacanta ka geysta waxbarashadda, caafimaadka iyo arrimaha sharciga ah Somaliland kala shaqeeya. Waxaanu waliba dalbanay in mucaawimadaasi ay ku salaysnaado baahida iyo qorshaha Somaliland isla markaana la sii kordhiyo. Ergaygana waanu u sheegnay.”

“Waxaanu dawlad ahaan go’aan ku qaadanay inaan xafiiska xaga siyaasadda ee qarramadda Midoobay ee UNSOM aan laga furin Somaliland, waxaanu xafiiskaasi sii balaadhinayaa awooda dawladda federaalka Soomaaliya, waxaanu arrintani ka hor imanaysaa qaranimadda Somaliland ee madaxa banaan iyo dastuurka qarankayaga. Sidaasna waxaanu ku war-gelinay Ergayga gaarka ah ee qarramadda midoobay ee maanta noo yimid,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu.

Dr. Maxamed waxa kale oo uu sheegay “Go’aankaasna waxaanu u qaadanay markaanu aragnay inaanu ka turjumayn baahida dalka isla markaana uu ka hor imanayo madax-banaanida iyo qaranimadda Somaliland. Wax allaale iyo wixii ka hor imanaya dastuurkayaga iyo xoriyadda Somaliland xukuumaddani ma ogola.”

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com